Dhagayso: Madaxwaynihii hore ee Puntland Cadde oo soo dhaweeyey Heshiiskii ay Garoowe ku gaareen DFS & Puntland

4 April 2016 (Puntlandes) Madaxwaynihii hore ee Puntland Gen Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Cadde) ayaa soo dhoweeyey heshiiskii xalay ay kala saxiixdeen DFS iyo dawlada Puntalnd ee la xiriiray hanaanka Doorashada ee 2016ka.

216

Heshiiskan ayaa waxaa kala saxiixday Raysal Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo madaxwaynaha dowladda Puntland, iyadoo ay Markhaati ka aheeyeen Beesha Caalamka ayna Damaanad qaaday IGAD.

Madaxweyne Cadde Muuse  ayaa yiri “Waan soo dhawaynayaa hishiiska Garowe, waana guul taariikhi ah, waxaana u arkaa si fiican, waxaana u hambalyaynayaa madaxwaynaha iyo R/wasaaraha oo shaqo fiican qabtay, waana guul”

Cadde ayaa intaas kusii daray inaysan DFS ahayn mid fulisa balamaha ay la gasho Puntland , balse waxaa uu xusay heshiiskan inuu kujiro waxyaabo dan u ah dadka Puntland.

Dhagayso madaxwaynihii hore ee Puntland Cadde Muuse


Puntlandes.com

About The Author