Sawirro: Gudiga Gurmadka abaaraha Puntland oo ka warbixiyey Xaaladaha Abaaraha Puntland & Biyo dhaamiskii la sameeyay

5 April 2016 (Puntlandes) Gudiga Gurmadka Abaaraha Puntland ka jira ayaa waxa ay kusoo bandhigeen maanta kulan ay magaalada Garowe xadiga Abaaraha ka jira deegaanada dowlada Puntland iyo inta gobol ee laga sameeyaya biya dhaaminta.

Gudoomiyaha gudiga gurmadka abaaraha dowlada Puntland Sheekh Fu,aad  Xaaji nuur  ayaa waxaa uu sheegey $ 14000 lagu sameeyay wajiga koowaad ee gurmadka abaaraha waxaana uu sheegey inay dadka biyaha ku garsiiyeen booyado dadka iyo xoolaha u kala soocan.

Gudoomiyahu wuxuu intaas kusii daray in $27000 in xiligaan loo hayo gurmadka dadka abaaraha ay saameeyeen wajiga labaadna ay ku howl galayaan waxaa uu sheegey in dadka meelaha fog fog jooga ay biyaha ku garsiinayaan booyado dadkana ay biya cabaan oo macaan u geeyaan.

Masuuliyiin u hadlay wasaarada cadaalada dowlada Puntland iyo hay,ada maaraynta musiibooyinka dabiicigaa ee Puntland  ayaa waxaa ay sheegeen inay jiraan xaalado abaareed oo halisa dadka Puntland,na looga bahan yahay inay ka qayb qaataan sidii horey loga bartay.

DSC3191

DSC3188DSC3189
DSC3198DSC3203DSC3207DSC3208DSC3213DSC3214DSC3215

Puntlandes.com

About The Author