Shirkii Muqdisho oo lagu heshiiyey inta badan & PUNTLANDES.COM oo heshay Qaar ka mida Qodobada ….

11 april 2016 (Puntlandes) Shirka Madasha wada tashiga Qaran ee uga socday Hogaamiyayaasha Soomaalida magaalada Muqdisho ayaa waxaa iminka marayaa Heer gabo gabo ah, iyadoo lagu hawlan yahay Diyaarinta Warmurtiyeed loo dhan yahay oo kasoo baxa Shirkaas.

 

Ilo Xog-ogaal ah oo ay Warbaahinta Puntlandes la hadashay goor dhawayd kuna sugan goobta uu ka dhacayo shirku, ayaa  waxay u sheegeen in Shirku Heer gabo-gabo uu iminka marayo laguna hawlan yahay Qorida Warmurtiyeedkii Shirka kasoo bixi lahaa.

219-1a2

Ilahan ayaa waxay Warbaahinta Puntlandes u sheegeen in la isku afgartay Qodobo dhawr ah kuwaas oo la xiriira halka lagu soo Xulayo Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ee soo socda, taasoo kala ah sidatan:

Jubaland: waxaa lagu soo xulayaa Beelaha Mareexaan iyo Ogaadeen

Puntland: waxaa lagu soo xulayaa Beelaha Dega Puntland sida Harti, Leelkase, Awrtable, Carabsaalax iyo kuwa kale ee daga Puntland

Jowhar iyo Cadaado waxaa lagu soo xulayaa Beelaha Hawiye

KGS: waxaa lagu soo xulayaa Beelaha Digil iyo Mirifle

Waxaa aan wali si rasmi ah la isugu afgaran meesha lagu soo Xulayo Beelaha Dir iyo Others, waxaana loo badinayaa in meeshii ay doortaan iyaga lagu soo xulo xildhibaanadooda.

Warar hor dhaca ah waxay sheegayaan in Gudiga Doorashooyinka la kala diri doono lana magacaabi dooni gudi cusub.

Bari Subax haddii allah idmo ayuu soo baxayaa Warmurtiyeedka Shirku, hada waxaa lagu gudo jiraa oo lagu howlan yahay saxitaankiisa

Dhanka kale Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke waxaa uu galabta u duulay safar uu ku aaday dalaka Imaraadka iyo Turkiga.

Kala soco wixii kusoo kurdha shirka Muqdisho Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

 

About The Author