Sawirro: Wefdi dowlada hoose ee Istanbul oo soo gaaray Muqdisho

18 April 2016 (Puntlandes) Wafdi ka socday dowladda hoose ee magaalada Istanbul oo shalay soo gaaray magaaladda Muqdisho, waxayna ka koobnaayeen mas’uuliyiin iyo ingineero iyagoo qiimeyn ku sameeyeen qorshaha dib u dhiska waddada 30-ka oo ka mid ah waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada Muqdisho.

Socdaalka qiimeynta wafdigan ay ku tageen waddada Sodonka ayaa waxaa ku wehlinayay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada mudane Iimaan Nuur Iikar, gudoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka, iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Istanbul.

Xunbaha wafdiga ayaa qiimeynta ka dib waxaa sheegeen in dhawaan ay bilaabi doonaan fulinta balan qaadkii dowladda hoose ee Istanbul ee Turkiga kaasi oo ku aadanaa in ay dhisayaan waddada 30-ka ee maagalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa dhankiisa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay in balan qaadkii dowlada hoose ee Istanbuul uu bilaawdo fulintiisa, raja wanaagsan ay ka qabaan in dhawaan umadda Soomaaliyeen ee ku nool gobolka loo dhiso waddada 30-ka, ka dib iskaashiga dowaladaha hoose ee Muqdisho iyo ISTANBUL.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa waday maalmahan dambe dadaalo dib u dayac tir loogu sameenayo waddooyinka magaaladda Muqdisho, waxaan dad badan oo reer Muqdisho aad ugu riyaaqeen sida ay dhabta kaga tahay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir dib u soo celinta bilicda Muqdisho.

IMG_4422IMG_4425IMG_4438IMG_4526

IMG_4613IMG_4615IMG_4634

About The Author