Dhagayso: Wasiir ku xigeenkii hore ee Deegaanka Puntland oo dhaliilay qaabka loo xulo Xildhinada DFS ee Puntland

18 April 2016 (Puntlandes) Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Deegaanka Puntland Burhaan Cilmi Filig oo waraysi siiyay Radio Daljir ayaa dhaliil wayn u jeediyey qaabka loo xulo XildhibaanadaaBbaarlamaanka DFS qaybta Beelaha Majeerteen.
220-6a
Burhaan ayaa walaac ka muujiyay in beelahii horay u qaatay 12-ka xubnood ee Beelaha Majeerteen ay xilligaana damacsanyihiin in ay qaataan xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS, waxaana uu hadalkiisa raaciyay in loo baahanyahay wadatashi in ay xubnaha ka yeesheen beelaha majeerteen ee Puntland.

Burhaan Cilmi Filig ayaa yiri “Abaarta dhibta, roob la’aanta Puntland ka jirta waxay cuskantahay waa cadaalad-darrada ka jirta Puntland dhexdeeda, wax laga fakari karo ma’ahan in beelihii horay u qaatan 12-kii xubnood ee aqalka hoose ay haddana rabaan in ay qaataan qaar ka mid ah amase dhammaanba xubnaha Aqalka sare,”

Dhagayso Burhaan Cilmi Filig

Puntlandes.com

About The Author