Sawirro: Ururka ACEED oo Aqoon Iswaydaarsi ku Saabsan Doorka Haweenka & Dhalinta ee Doorashada 2016 Ku Qabtay Garoowe

Tababar lagaga hadlayey Waxbarashada Madaniga ah iyo Hawl-gelinta Hawlaha la Xiriira Doorashada Somalia ee 2016 iyo doorka ay haweenka, dhalinyaradda iyo dadka laga tiradda badan yahay ama minority groups lagaga hadlayey ayaa ka dhacay Hotel Damal ee Caasimada Garowe.

Tababarkaas waxaa ka soo qeyb galay Ururka Haween Puntland,Dhalinyaradda, Nabadoono, Xildhibaano iyo aqoonyahano iyagoo halkaasi ku lafa guray sharaxaaddana ka bixiyey  qoondada dhalinyaradda, haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay ee doorashadda 2016 heer Federaal iyo dhiiri-gelinta ka qeybgalka siyaasadeed ee dhalinyaradda.

Intii uu socday tababarka ayaa waxaa halkaasi ka hadlay xilibaano horey uga tirsanan jirey barlamanka dawlada Daderalka soomaaliya kuwaas oo sheegay in markan loo baahan yahay in dhalinyarada iyo haweenka soomaaliyeed wax laga siiyo doorkii ay ku lahaayeen arimaha siyaasada soomaaliya gaar ahaan doorashada larabo in ay ka dhacdo dalka sanadkan 2016.

Sidoo kale waxaa iyaduna halkaasi ka hadashey gudoomiyaha haweenka Puntland Khadro Maxamed Warsame iyadoona sheegtay in haweenka soomaaliyeed la siiyo qoondadii ay ku lahaayeen xilibaanada barlamanka dawlada faderalka soomaaliya ayna haweenka u qalmaan in lasiiyo waxay xaqa u leeyihiin.

Kulanku intii uu socday waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Nabaadoon kamid ah nabaadoonadda gobolka nugaal kaas oo ugu baaqay oday dhaqameedyada soomaaliyeed in ay u ogolaadaan dhalinyarada iyo haweenka ka qayb noqdaan arimaha siyaasada dalka

Tababarkaan ayaa Waxaa fulinaysay Hay’ada ACEED waxaana maal gelisay hay’ada USAID.

IMG_0042IMG_0051IMG_0053IMG_0054IMG_0055IMG_0056IMG_0058IMG_0059IMG_0060IMG_0061IMG_0063IMG_0064IMG_0066IMG_0076IMG_0077IMG_0078IMG_0082IMG_0083IMG_0084IMG_0087IMG_0088IMG_0089IMG_0090IMG_0093IMG_0095IMG_0098IMG_0099IMG_0112IMG_0114IMG_0115IMG_0116IMG_0117IMG_0118IMG_0119IMG_0120IMG_0124IMG_0126IMG_0131IMG_0132IMG_0133IMG_0134IMG_0136IMG_0138IMG_0141IMG_0143IMG_0144IMG_0145IMG_0147IMG_0148IMG_0150IMG_0151IMG_0153IMG_0154IMG_0155IMG_0156IMG_0158IMG_0163IMG_0167IMG_0168IMG_0169

About The Author