Dhageyso: Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo Eedeeyey maamulka Gobolka Mudug & dadka kasoo jeeda Beelaha Raxanwayn

April 22 2016  (Puntlandes) Yaasiin Cabdisamad oo ah Nabadoonada mid ka mida Beelaha Gobolka Mudug oo Saxaafadda la hadalay ayaa  AFKA FURTAY isagoo eedeeyey maamulka Gobolka Mudug iyo dadka kasoo jeeda Beelaha Raxanwayn ee ku nool Gobolka Mudug.

217-9b

Nabadoon Yaasiin ayaa sheegay inay ka qo’an tahay in Gobolka Mudug laga saaro dadka kasoo jeeda Beelaha Raxanwayn ee ku nool Gobolka, isagoo ku tilmaamay inay yihiin Ciidan loo soo diray reer Puntland.

Yaasiin ayaa intaas kiusii daray in Mushkilada soomaaliya maanta haysata ay tahay Beelaha Raxanwayn ayna haboon tahay in laga saaro Puntland.

Nabadoonka Yaasiin ayaa eedeeyey maamulka Gobolka Mudug kadib markii ay Idaacadaha ka sheegeen in ay dadka kasoo jeeda Beelaha Raxanwayn ee ku nool Gobolka Mudug ay XUQUUQ yihiin reer Puntland ayna yihiin dad dhulkoodii jooga.

Dhageyso Nabadoonka Yaasiin

Puntlandes.com

About The Author