Shirkad Turki ah oo lagu Wareejiyey tayodhawrka Badeecadaha ka soo dega Dekeda Muqdisho!!!!

1 May 2016 (Puntlandes) Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo BJM ayaa waxay DFS ku wareejiyay Tayodhawrka Badeecadaha soo galaya iyo kuwa ka dhoofaya ”dalka Soomaaliya”, iyadoo ay DFS shirkadan heshiis kula gashay.

220-2b1

 

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha DFS Eng. C/rashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in iyadoo la fulinayo go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirada sanadkii hore lagu wareejiyey Shirkadan Turkiga ah Tayodhawrka Badeecadaha kasoo degaya Dekeda Muqdisho iyo dekedaha dalka.

Wasiirka ayaa yiri “Waxaa rabnaa inaan ogeysiino Ganacsatada Dekedaha iyo xuduudaha in shaqadii Shirkada BJM ee la socodka tayada badeecada in maanta wixii ka dambeeya ay bilaabatay”

DFS ta uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh awaxay gacanta u gelisay oo ka iibsatay dhamaan Ilihii Dhaqaalaha ee Muqdisho, Goobihii Waxbarashada, Dekedii Hore iyo Goobo badan oo ay ummadda Soomaaloiyeed lahayd Shirkado laga leeyahay dalka Turkiga.

Dhawaan ayey ahayd markii uu madaxweyne Xasan Sheegay inay wax walba xataa Amaanka ku wareejin karaan Ajenabi laakiin ay haysanayaan oo kaliya ”Siyaasadda”, waxaa in la is xasuusiyo u baahan inuusan suurtogal iyo dawladnimo midna ahayn hadalak madaxweynuhu yiri.

Puntlandes.com

About The Author