Sawirro: Madaxweyne Gaas & Safiirka Talyaaniga ee Somalia oo Bosaso xariga kaga jaray waddo laami ah

1 May 2016 (Puntlandes) Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxmaed Cali Gaas iyo Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Fabrizio Marcelli ayaa maanta xarriga si wadajir ah uga jaray waddo Laami ah oo dhararkeedu yahay Labo kiilo mitir iyo saddex boqol oo mitir taasoo isku xirir doonta jidka soddanka iyo laamiga dhexmara magalada.

Dhaqaalaha ku baxay waddadan laamiga ah ayaa waxaa bixiyey dowladda Talyaaniga, waxaana barnaamijkan hir galiyay hay’adda UN-HABITAT oo kaashanaysa mamulka Gobalka Bari iyo kan Degmada Bosaso.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay hirgalinta waddadan inay qayb ka qaadan doonto amniga iyo horumarka caasimadda, waxa kale uu sheegay Gaas inay muhiim tahay in kor loo qaado kaabayaasha dhaqaalaha.

Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Danjire Marcelli ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu maanta qayb ka ahaado waddadan xariga laga jaray kaasoo dhaqaalaha ay bixisay dowladda Talyaaniga, Puntland ayuu ku amaanay horumarka iyo kala danbeynta ka jirta.

Sidoo kale waxaa munaasiabdda xarrig jarka laamigan cusub ka hadlay wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda,mamulka gobalka Beri iyo degmada Bosas, waxayna dhammaan masuuliyiintani sheegeen inay qayb ka tahay hirgalinta laamigan horumarka kala duwan ee ka socda caasimadda ganacsiga ee Bosaso.
IMG_8064

IMG_8066

IMG_8069

IMG_8074

IMG_8076

IMG_8090

IMG_8092

IMG_8101

IMG_8106

IMG_8108

IMG_8110

IMG_8112

IMG_8115

IMG_8119

IMG_8123

IMG_8124

IMG_8128

IMG_8131
Puntlandes.com

About The Author