Sawiro: Madaxweynaha DFS oo ka qeyb galay xuska 1-da May, xarigana ka jaray xarumo dib u dhis lagu sameeyay

1 May 2016 (puntlandes) Munaasabad isugu jirtay xuska 1-da May oo ah Maalinta Shaqaalaha Aduunka furitaanka dhib u dhis lagu sameeyey Xarumihii Wasaaradaha Shaqada iyo Arimha Bulshada iyo Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Madaxeynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn waxaa uu xarigga ka jaray Xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud dib u dhiska iyo Guryeynta, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaradda Hawlaha guud, dib u dhiska iyo guryeynta DFS Eng Saalax Sheekh Cusmaan waxaana Madaxwweynuhu ku soo wareegay qaybaha Wasaradda oo uu ku jiro shaybaar loogu tala galay hubinta tayada qalabka dhismaha ,ka dib Madaxweyha iyo Xubnihii la socday waxay u gudbeen Xarunta Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimha Bulshada waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimha Bulshada DFS Cabdiweli Ibraahib Sheekh Muudey, iyadoo Madaxweynuhu uu xariga ka jaray Xarunta Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimha Bulshada oo dib dayactir lagu sameeyey.

Xarunta Wasaaradaha Shaqada iyo Arimha Bulshada ayaa waxaa si rasmi ah loogu qabtaya Munaasabada xuska 1-da May oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradaha Shaqada iyo Arimha Bulshada, maadaama ay tahay maalinta shaqaalaha adduunka, gaar ahaan tan Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaha Shaqada iyo Arimha Bulshada DFS Cismaan Iibaax Ibraahim oo ahaa Guddoomiyaha qabanqaabada Musaabada 1-d May ayaa tilmaamay in maanta oo kale ay farxad weyn u tahay dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

 

Guddoomyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa tilmaamay in afar sano ka hor Wasaaradah dawladdu qaarkood ay iskor saarnaayeen oo ay hal meel wada deganaayeen, balse iminka lagu guuleystay inay dhistaan xarumahooda.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Barlamaanka Dr Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa ka sheekeeyey sida ay ku bilaabatay maalinta 1-da May, isagoo xusay in maanta oo kale ay maalin weyn u tahy dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska DFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlaayey magaca Golaha Xukuumadda ayaa bogaadin iyo hambalyo u diray dhamaan Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo  Mas’uuliyiinta labada Wasaaradood.

Wasiirka Wasaradda Hawlaha guud dib u dhiska iyo guryeynta Eng Saalax Sheekh Cusmaan oo Munaasabada ka hadlay ayaa sheegay  In dhismaha labada Wasaaradood aysan gacan ka geysan wax shisheeya ah, laguna dhisay oo kaliya dadaalka madaxda dowladda iyo shacabka oo isbiirsaday.

Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulsghada Mudane Cabduweli Ibraahib Sheekh Muudey ayaa sheegay in la gaaray hadafkii iyo ujeedadii ahayd in dib loo dhiso Xarunta Wasaaradaha Shaqada iyo Arimha Bulshada, isagoo uga mahadceliyay intii gacan ka geysatay dib u dhiska xarunta.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa hambalyo u diray dhammaan xoogsata Adduunka iyo tan Soomaaliyeed, isagoo Alle uga baryey sanadkan kiis kale inay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Ugu danbeyta Madaxweyne Xasan ayaa fariin gaar ah u diray Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana kula taliyey in ay ogaadaan waxa Dalka uu u baahan yahay.

Maanta oo kale 1-da May ayaa Calaamka oo dhan laga Xusaa maalinta Xoogsata Soomaaliyeed iyo tan  Caalamka, taasi oo lagu qabtay qaar badan oo ka mid ah gobollada dalka.

vlcsnap-2016-05-01-16h33m17s94

vlcsnap-2016-05-01-16h34m29s32

vlcsnap-2016-05-01-16h35m38s217

vlcsnap-2016-05-01-19h08m01s248

 

 

vlcsnap-2016-05-01-19h08m42s149

vlcsnap-2016-05-01-19h08m55s31

 

 

vlcsnap-2016-05-01-19h09m21s32

vlcsnap-2016-05-01-19h09m31s133vlcsnap-2016-05-01-19h09m51s40vlcsnap-2016-05-01-19h10m34s240vlcsnap-2016-05-01-19h10m44s79vlcsnap-2016-05-01-19h11m01s7vlcsnap-2016-05-01-19h11m20s205vlcsnap-2016-05-01-19h12m05s140vlcsnap-2016-05-01-19h12m14s226vlcsnap-2016-05-01-19h12m57s115vlcsnap-2016-05-01-19h13m07s242vlcsnap-2016-05-01-19h13m19s115

189101112131415

Puntlandes.com

About The Author