UK oo Ciidamo u Soo Dirtay Koonfurta Soomaaliya

2 May 2016 (Puntlandes)) Waxaa soo gaaray magaalada Muqdisho Ciidan tiradiisu ay tahay 10 Askari oo ka katirsan ciidanka dowladda Britain ee sida gaarka ah u tababaran, iyagoo halkaasi u gaaray si ay tababaro iyo caawimaad u siiyaan ciidanka DFS iyo AMISOM.

Ciidamadaan ayaa qeyb ka ah howlgalka Golaha Qaramada Midoobe kuwasoo loogu talagay in ay la dagaalamaan ururka Alshabaab

Wasaaradda Gaashaandhiga ee UK ayaa shascisay inay dhawaan soo gaaridoonaan 70 Askeri oo kale magaalada Muqdisho.

Puntlandes.com

About The Author