(Xasaasi) Guux looga hor imaanayo go’aanadii madasha iyo Shirkii Garoowe oo ka socda Baarlamaanka DFS dhaxdiisa

2 May 2016 (Puntlandes) Kadib markii Sabtidii lasoo dhaafay uu Raysul wasaaraha DFS horgeeyey Baarlamanka DFS Go’aankii Madasha ee ku saabsanaa qaabka Doorashada 2016 u dhacayso, ayaa waxaa soo baxaya guux ay Xildhibaanada qaarkood olole ugu jiraan in la Qodobo ka mida Heshiisyadaas.

Sida ay Xogta ku helayso Warbaahinta Puntlandes Qodobada ay Xildhibaanada qaarkood olole ugu jiraan in Baarlamaanku diido ayaa ah:

  • Qaybo ka mid ah hanaanka doorashadu u dhacayso
  • Gudiyadda Doorashooyinka heer Dawlad Goboleed
  • Cida Saxiixa u danabeeya iska leh,
  • Jiritaank Gudiga Doorasho ee heer qaran oo hada ka hor Baarlamaanku ansixiyey lakiin Puntland ay ka biyo diiday jiritaankiisa
  • Mudo kordhinta uu dalbaday Raysal Wasaare Cumar

Gudoonka Baarlamaanka ayaa laga soo xigtay inuu aad uga biyo diidsan yahay dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo ku cadaa Heshiiskii Garoowe ee 3da april iyo kii Madasha ee 12 april oo lagu go’aamiyey in Aqalka Sare laga hormariyo dhismihiisa kan Hoose.

221-8a4

Sida ay Xogta ku helayso Warbaahinta Puntlandes Raysal Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa dadaal badan ugu jira sidii uu Baarlamaanka DFS duuduub ugu ansixin lahaa Hanaanka Doorasho ee Xukuumadiisu ay diyaarisay, lakiin waxaa dhanka kale socda dadaalo ay horboodayaan xildhibaano miisaan culus ku leh Baarlamaanka DFS iyo Kooxo kale oo aad uga soo horjeeda hirgalinta Heshiiskii Garowe inay caqabad ku noqdaan hanaanka Doorasho ee hada horyaala Baarlamaanka DFS.

Maalinka Talaadada ah ee berri ah ayaa la filayaa in Raysal Wasaaraha DFS uu hortago Baarlamaanka DFS si uu uga jawaabo su’aalaha aya qabaan Xildhibaanadu, waxaa socoda dhanka kale dadaal balaaran oo beesha caalamku ugu jirto sidii loo ansixin lahaa hanaanka Doorasho ee la soo bandhigay.

Hadii ay dhacdo in Baarlamanka DFS uu is hortaago qaabka Doorasho oo qaybo ka mid ah uu ku qotomo Heshiiskii Garowe waxaa suurtagal ah inuu abuurmo khilaaf cusub oo soo kala dhex gala Puntland iyo DFS kaas oo caqabad ku noqon kara dhamaystirka waqtiga u haray DFS taasoo ay Beesha Caalamkuna cadaysay inaan Waqti kordhin loo samaynayn.

Puntlandes.com

About The Author