Kulankii labaad ee Madaxweynihii hore Sheekh Shariif iyo madaxweyne Gaas oo Todobaadka soo socda ka dhacaya Jabouti

3 May 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in kulankii labaad ee dhex mara Madaxweynihii horeee TFG Sheikh Sharif Sheikh Axmed  iyo madaxha Puntland Dr cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu ka dhaci doono dabayaaqada Todobaadka soo socda Jabouti.

222-3c8

Gaas iyo Sheikh Shariif ayaa ka qayb gali doona magaalada Jabouti ee Dalka Jabouti caleema saarka Madaxweynaha Jabouti Ismaaciil Cumar Geele, iyagoo halkaas ku balansan.

Gaas iyo Sheikh Shariif ayaa kulamo hore ugu qaaday UAE  iyo Sacuudiga, waxayna sheegeen Quburada wax Odorasta inay labadan Mas’uul ay samaynayaan is Xulufaysi Siyaasadeed oo la xiriira Doorashada madaxtinimda dalka Soomaaliya ee Sep 2016ka.

Waxaa aad loo hadal hayaa magaalooyinka Garowe iyo Bosaso in Madaxweyne Gaas uu dagaal ugu jiro sidii uu heli lahaa mursharax ay siyaasada ka midaysan yihih oo uu ku taageero Doorashada soo socota.

Doorashadii 2012kii way u suurta geli waday inay Heshiiyaan labadan Mas’uul iyagoo uu Sheikh Shariif na madaxweyne ahaa Gaas na uu Raysul wasaarihiisa ahaa  labadooduma ay sharaxnaayeen.

Hadii kulankaani uu dhaco waxaa ku xigi doono Booqashooyin uu Madaxweyne Shariif ku imaan doono Puntand isagoo Safar ku mari doona dhamaan Goboladda Puntland oo dhan.

About The Author