Sawiro: Maxamed Abdirisaq oo Ololihiisa Musharaxinamada Madaxweyne maanta uga dhawaaqay Muqdisho

Muqdisho, Soomaalia—Maxamed Cabdirizaq oo ahaan jiray Agaasimaha Guud ee Hay’adda NDI ayaa maanta uga dhawaaqay magaalada Muqdisho musharaxnimadiisa xilka madaweyne ee doorashada 2016 ka dhacaysa dalka.

Moxamed Cabdirizaq ayaa hada ah Asaasaha iyo Agaasimaha Hayada Somali One oo ka shaqaysa ka caawinta Soomaaliya sidii u heli lahayd Nabadaynta, Xasiloonida, Islaxisaabtan iyo ka shaqaynta dimuquraadiyadda, wuxuuna musharuxa ka go’an inuu sii balaariyo u jeedkiisa ah in dadka Soomaaliyeed ay helaan dib u heshiin waarta, ka hortaga musuq maasuqa iyo in dalka la gaarsiyo horumar balaaran,

Si uga dhabeeyo hilimooyinkiisa ayaa Maxamed Cabdirisaq halku dheg uga dhigay ololihiisa doorasho “Nabdgalyo iyo barwaaqo waxaa lagu gaari karaa Dib u heshiin ka soo bilaabta salka hoose iyo Dowladnimo daacad ah”Maxamed Cabdirisaq wuxuu qabaa in laba qodab ay ee kala ah; “Dib u heshiisin Qaran iyo Dowladnimo daacad ah” ay saldhig u tahay in Soomaaliya dhan kasta laga hormariyo.

 Abdirizaq ayaa yiri “ Waxaa jiray in mudo ah hadal hayn ku salaysan baahida loo qabo dib u heshiin waarta oo dalka ka dhacda, mana jiraan wax weyn oo ka qabsoomay, Balse hada waxaa lagama maarmaan ah in si dhab ah loo wajaho inaan dhisno kalsoonida shacabka taas ayaan udub dhexaad u ah dib u hesiin dhex marta shacabka Soomaaliyeed. Hadii la helo kalsooni waxaan sahlanaynsa inaan dib u mideyno shacabkaan kala irdhoobay dalkana aan gaarsiino horumar la taaban karo, dib u soo celino nabadgalyadii waxna laga qabto adeegyada asaasiga u ah bulshada”

 “Qodobka labaad oo aan rabo inaan awoodayda isugu geeyo hadii aa  noqdo Madaxweynaha Soomaaliya waa dhismaha dowlad daacad ah oo la dagaalanta musuq maasuqa, korna u qaada isla xisaabtanka iyo dowlad wanaaga. Waxaan aaminsanahay in Hay’adaha dowaliga ah marka ugu horaysa ay shacabku u helaan fursad ay kula xisaabtami karaan”

Abdirizaq oo sii hadlayey ayaa yiri “Waxaan balan qaadayaa hadii aan xilka ku guulaysto inaan ciribtiro kuwa doonaya inay musuq maasuq sameeyaan, waxaan deg deg u hirgalinayaa guddi madax banaan oo la dagaalama musuq maasuqa iyo xatooyada xoolaha shacabka, waxaan awood u siinayaa iney baaritaan ku samayn karanaa dhamaan hay’adaha dowladda, sharcigana la horgeeyo cid kasta oo lagu helo wax isdaba marin, si meesha looga saaro madaxda caadaysta tuuganimada iyo wax is daba marinta. Sal u dhigida siyaasad adag waxay kalsooni iyo aaminaad ka dhex abuuraysaa shacabka Soomaaliyeed. dowladnimo daacad laga yahay waxay awood u yeelanaysaa dhisida ciidan qaran taas oo sababi karta in dalkeenu uu ku talaabsado horumar baaxad leh”

Maxamed Abdirizak, ayaa in mudo ah ku howlanaa caawinta dadka Soomaaliyeed laga soo bilaabo sanadkii 1994-tii, xiligaas oo ku noolaa dalka Maraykanka, wuxuuna xiligaas dadka soo galootiga ah ka caawin  jiray arrimaha socdaalka, isu keenida qoysaska kala maqan, helida guryaha, shaqo u raadinta, iyo dhinaca waxbarashada, wuxuuna xirii fiican la leeyahay jilayaasha siyaasada dalka oo ay mudo shaqo ka wada dhaxaysay.

222-5b

222-5b1

222-5b2

222-5b3

222-5b4

222-5b5

222-5b6

222-5b7

222-5b8

222-5b9
Puntlandes.com

About The Author