Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo u amba baxay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey ayaa maanta 07-May-2016  ka amba baxay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland isagoo ku sii jeeda magaalada Jabuuti ee xarunta dalk Jabuuti, halkaas oo uu Madaxweynuhu  kaga qayb geli doono caleemo saarka Madaxweynaha dalkaasi ee Ismaaciil Cumar Geelle.

Waftiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee dawladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole, Wasiiro iyo Xildhibaano iyo Marwada Madaxweynaha Dr’s.  Hodan Siciid Ciise.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo qolka nasashada ee Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso warfidiyeenada kula hadlay ayaa sheegay in uu Jabuuti uu aadayo ka qayb galka munaasabadda caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dawladda Puntland iyo dawladda Jabuuti uu  ka dhexeeyo xiriir walaalnimo,mid saaxiibtinimo, mid Soomaalinimo iyo mid islaannimoba isla markaana Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay ka qayb galkiisu in uu sii xoojin doono dhammaan xiriiradaasi.

Ugu dambayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in ay adkaystaan nabad gelyadooda isla markaana ay iska qabtaan cid  walba oo ku hawlan falal wax u dhimaya nabad-gelyada iyo horumarka Puntland.
IMG_7997IMG_8007IMG_8009IMG_8015IMG_8020IMG_8027IMG_8039IMG_8045IMG_8048IMG_8049IMG_8050IMG_8060IMG_8072IMG_8084
Puntlandes.com

About The Author