Daawo-Dhagayso: Somaliland oo Dekedda Berbera Heshiis kula Gashay Dubai World

11 May 2016 (Puntlandes) Somaliland ayaa heshiis kula gashay Dekedda Berbera Shirkad laga leeyahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo la yidhaahdo Dubai World Ports.

222-8a3

Heshiiskan ayaa ka dhacay magaalada Dubai oo ay safar shaqo ku joogeen wefti uu hoggaaminayo madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu socon doona muddo 30 sanno ah.

Sida uu sheegau wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire waxay Dubai World Ports gelin doontaa Dekedda Berbera lacag gaaraysa 400 oo Milyan oo Doollar muddo ah 30ka sanno ee soo socota.

Wasiir Sacad waxa kale oo uu sheegay inay Dubai World Ports ay dawladda Somaliland ka qaadatay lacag 15 miljan oo doollar oo uu ku sheegay ”XAQUL QALIN” uuna u kala saaray 10 Miljan oo Kaash ah iyo 5 Miljan oo Qalab lagu soo gadayo!!

Dhagayso VOA  oo waraystay Wasiirka arrimaha dibedda Sacad Cali Shire

Puntlandes.com

About The Author