Sawirro-Dhagayso: Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo la daah furay

11 May 2016 (Puntlandes) Waxaa maanta lagu qabtay Xarunta Hay’adda PDRC Garowe Munaasabadd lagu daah furayey Guddiga KMG ah e doorashooyinka Punland

Waxaa ka qayb galay Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyo masuuliyiin kale, waxaana intay munaasabaddu laga hadlay shaqada Guddiga iyo siday dowladda iyo shacabkuba ula shaqayn lahaayeen.

Xiriiriyaha Ha’yadda PDRC Cali Faarax Farmayeeri ayaa sheegay in Munaasabadda muhiimadeedu tahay  dib u billaabida geedi socodka Dimuqraadiyada Puntland, ku dhawaaqista howlgalinta guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC ,xiriirka Bulshada , dowladda iyo beesha caalamka.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Axmed Maxamed Cali ayaa ka hadlay muhiimada uu u leeyahay guddigan dadka reer Puntland, wuxuuna sheegay inuu yahay waddo wanaagsan oo loogu gud bi karo madaxweyne ay shacabku iyagu doortaan, oo barri la xisaabtami karaan.

Axmed Kismaayo ayaa tilmaamay in magacaabista Guddigu uu wakhti wanaagsan kusoo aaday, islamarkaana uu rumaysan yahay inay kasoo bixi karaan shaqada loo igmaday, isagoona dowladda iyo shacabkaba ka codsay inay la shaqeeyaan.

Dhagayso Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Puntland Axmed Maxamed Cali (A.Kismaayo)

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo wasiirka Dasturka Cali Ciise ayaa dhankooda ballan qaaday inay la shaqayn doonaan guddiga, waxayna ugu baaqeen inay kasoo baxaan waajibaadka horyaala.

Dhagayso Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo daah furay guddiga KMG ah ee doorashooyinka ayaa ugu baaqay inay fir fircooni muujiyaan oo wakhti ay haystaan dadka reer Puntland ku gaarsiiyaan doorashada soo socota qof iyo codkii, islamarkaana  ay noqoto mid si nabad ah ku dhacda.

Camey ayaa xusay in guddigan ay yihiin kuwo xor ah oo dowladda ka madax banaan, islamarkaana ay la shaqayn doonaan.

_DSC4593 _DSC4595 _DSC4596 _DSC4597 _DSC4598 _DSC4600 _DSC4602 _DSC4603 _DSC4604 _DSC4605 _DSC4606 _DSC4608 _DSC4609 _DSC4610 _DSC4612 _DSC4616 _DSC4617 _DSC4618 _DSC4619 _DSC4620 _DSC4621 _DSC4623 _DSC4624 _DSC4626 _DSC4628 _DSC4637 _DSC4644 _DSC4645 _DSC4650 _DSC4655 _DSC4659 _DSC4661 _DSC4665 _DSC4666 _DSC4667 _DSC4670 _DSC4671 _DSC4672 _DSC4676 _DSC4677 _DSC4681 _DSC4684  _DSC4687

Puntlandes.com

About The Author