Sawiro: Arday ka qalin Jaamacadda PSU Faraceeda Gaalkacyo

13 May 2016 (Puntlandes) Waxaa maanta Munaasabada qalin jabin ah lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo gaar ahaana hoolka GECPD kaas oo ay ku qalin jabinayeen dufacii labaad ee ka baxda Jaamacadda puntland State Universaty qaybteeda Gaalkacyo.

Mudaanasabada qalin jabinta waxaa kasoo qaybgalay Gudoomiyaha Gobolka Mudug , Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka, Wasiirkii hore ee haweenka Puntland, Xildhibaano ka socday Golaha deegaanka ee degmada gaalkacyo iyo marti sharaf u badnaa arday iyo waalidiin.

35 arday ayaa qalin jabisay kuwaas oo ka baxay kuuliyadaha kala ah:-

1.Degree of education
2.Degree of development study
3.Degree of business adminstration and economics.

Ugu horayn Xaflada ayaa waxa akhudbad ka jeediyay Maamulaha Jaamacadda PSU qaybteeda Gaalkacyo Faarax Caabi Samatar, isagoona sheegay in jaamacdu ay dadaal xoogan ugu jirto soo saarista arday anfacda bulshada, waxanaa intaas uu raaciyay in Jaamacadda PSU ay hayso fursado muhim u ah Ardayda Soomaaliyeed.

Burhaan Aadan Cumar oo ah Gudoomiye Kuxgeenka Jaamacadda PSU xarunta wayn ee Garoowe ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay in sanadkii labaad uu kasoo qaybgalo dufcada labaad ee ka qalin jabinaysa Jaamacadda PSU qaybta gaalkacyo, waxaana uu hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan ardaydii maanta qalin jabinaysay.

Prof. Maxamed faarax Cawsay oo ka mid ah barayaasha jaamacadda ayaa sheegay in ardayda ay kula dadaalayaan sidii aqoontooda ay u tayayn lahaayeen, waxaana uu sheegay in maanta farxad gooni ah ay u tahay 4 sano ka dib ardayda maanta qalin jabinaysa kuwaas oo dadaal xoogan soo sameeyay.

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Bashiir Axmed khalaf ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo dadaalka Jaamacadda PSU,waxaana uu sheegay in dhambaal hambalyo uu u dirayo ardayda maanta qalin jabinaysa, isagoona kuwa kalena ugu baaqay inay waxbarashada ku dadaalaan.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed kahliif ayaa hadal kooban uunjeediyay dhankiisa u mahad celiyay ardayda iyo macalimiinta PSU, waxaana uu sheegay in Maamulka Gobolka Mudug ay bogaadinayaan tallaabooyinka dhalinyarada mustqbalka ay wax ku barayaan taas oo dalka u horseedi karta Dawladnimo Rasmi ah.

Ugu dambayntii Marwo Caasho Geele diiriye ayaa jeedisay khudbadii gabogabada, waxaana ay u hambalyaysay ardaydii maanta qalin jabisay, iyadoona sheegtay in muhiimad gaara ay leedahay shaqo abuurka dhalinyarada waxbaratay.

Ardaydii kaalmaha hore galay ayaa intaas kadib la gudoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino loogu talo galay, waxaana xafladii qalin jabinta ay kusoo dhamaatay jawi degan.

20160513_075858 20160513_080456 20160513_085255 20160513_095842 20160513_095919 20160513_095933 20160513_095945 20160513_095956 20160513_100140 20160513_100251 20160513_100259 20160513_100335 20160513_100347 20160513_100451 20160513_100512 20160513_100601 20160513_100613 20160513_100629 20160513_100657 20160513_101037 20160513_101548 20160513_102302 20160513_102618 20160513_102732 20160513_103520 20160513_105507 20160513_110951 20160513_111110 20160513_111157 20160513_111411 20160513_111628 20160513_112038 20160513_112043 20160513_112113 20160513_113259

Puntlandes.com

About The Author