Daawo Video: Wasiir kuxigeenka Maaliyadda DFS oo Degmada Qandala ku dhagax dhigay Iskuulka H/Dhexe ee Saleebaan Maxamed

16 May 2016 (Puntlandes) Wasiir kuxigeenka Maaliyadda DFS ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DFS Maxamuud Xayir Ibraahim oo booqanayey maalmahan Degaanada Fof-fog ee Gobolka ayaa gaaray Deegaanka Jeceel oo ka tirsan Degmada Qandala ee Gobolka Bari halkaas oo uu ku dhagax dhigay Iskuul Hoose/Dhexe oo ay yeelanayso Degmadu.

223-4a

Iskuulka ayaa Xildhinaa Maxamuud Xayir waxa uu ugu magacdaray ilma Saleebaan Maxamed oo ku aasan Deegaanka Jeceel oo ka tirsan Degmada Qandala, waxaana magaca Iskuulku noqonayaa Iskuulka Hoose/Dhexe ee Saleebaan Maxamed.

Puntlandes.com

About The Author