Daawo Barnaamij Gaar ah oo ku saabsan Furitaanka Xafiiska Jaaliyadda Puntland ee UK

16 May 2016 (Puntlandes) Guddomiyaha Jaaliyadda Puntland ee UK oo loo  doortay Maxamuud Cabdulaahi Jamac dabayaaqadii bishii janaayo ee sanadkan ayuu wuxuu furay markii u horaysay Xafiis ay leeyihiin Jaaliyadda Puntland ee UK.

223-4b1

Guddomiye Maxamuud Cabdulaahi Jamac oo ah nin Dhalinyaro ah isla markaasna ah Aqoonyahan ku barbaaray waxna ku bartay dalka UK ayaa muddo kooban ku guulaystay inuu si sharci ah u diiwaan geliyo Jaaliyadda Puntland ee UK, wuxuuna Dhidibada u taagay Xafiis ay yeelato Jaaliyaddaas markii u horaysay.

Furitaanka Xafiiska ayaa waxaa kasoo qayb galay marti sharaf badan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii hore ee Warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar iyo Wasiirkii hore Amniga Puntland ahna iminka lataliyaha Madaxweynaha Puntland Gen Cabdulaahi Saciid Samatar waxay si isku mid ah u bogaadiyeen shaqada aadka u wacan ee uu qabtay Gudooomiha Jaaliyadda Puntland ee UK Maxamuud Cabdulaahi Jamac muddadii aadka u koobnayn ee uu xilka hayey.

Xafiiskan ayaa waxa uu u shaqaynayaa dadka reer Puntland oo dhan isagoo ka caawin doona adeegyada kala duwan ee ay u baahan yihiin haddii ay noqon lahayd Puntland iyo haday noqon lahayd dalka UK, waxaana loogu baaqay reer UK inay kusoo xirmaan Xafiiskooda.

xafiiskan ayaa waxa kale oo uu ka shaqayn doonaa isku Xirka Jaaliyadda Puntland ee UK iyo Puntland.

Puntlandes.com

About The Author