BREAKING NEWS: Akhriso PUNTLANDES.COM oo Heshay Warqad Sir ah C/KARIIM oo DDSI ku wareejiyey ilaa Galinsoor kana Codsaday Itoobiya inay AHLUSUNNA Dhulka uga Xorayso!!!

16 May 2016 (Puntlandes) Warbaahinta PUNTLANDES.COM ayaa waxay iminka Heshay Warqad Sir ah oo madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed uu ku wareejiyey  Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) dhul aad u baaxad wayn oo ku fadhiya  Dacdheer ilaa iyo Galinsoor, dhulkaas oo uu uga bedeshay dawlada Itoobiya inay uga XORAYSO Deegaanada ay AHLUSSUNNA ka taliso, una Aqoonsato Maamulka Ahlussunna urur Agagixiso.

222-1

Madaxweynaha Galmudug ayaa Xeer madaxweyne oo Sumadiisu tahay Lr. 63 oo ku taariikhaysnaa 2 May 2016 waxa uu DDSI ku wareejiyey Dhamaan goobihii lagu dagaalamay iyadoo ay maamuli doonto DDSI dhamaan dhulkaas ilaa magaalada Galinsoor, ciidamada DDSI ay la wareegi doonaan.

Sidoo kale madaxweyne Cabdikariim waxa uu Xeer madaxweynahaas ku cadeeyey inay Galmudug qaadayso Mas’uuliyadda dhibaatadii ka dhacday Dacdheer iyo meelihii kale ee ay ku dagaalameen maamulka Galmudug iyo DDSI.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim ayaa Xeer madaxweynahaas ay Sumadiisu ahayd Lr. 63 waxa uu dawlada Itoobiya uga Codsaday inay ugu bedesho Heshiiskaasi in ay uga Xorayso Ahlussuna Dhulka baaxada wayn ee ay ka taliso waxaana Qoraalka uu ku yiri madaxweynuhu sidatan “Waxaan ka codsanaynaa Dawlada Federaalka Ethiopia in ay gacan naga siiso sidaan meesha uga saari laheen Maamulka Ahlussunna ee badi heesto Deegaanada Dawlad Goboleedka Galmudug looguna Aqoonsan lahaa urur Argagixiso”

Hoos ka akkri Qoraalka madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed

223-4c

Puntlandes.com

About The Author