Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo magaalada Muqdisho kaga qayb galay shir muhim ah oo u dhexeeyey Qaramada Midoobey, DFS & Dawladaha Xubnaha ka ah

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 19-May-2016  magaaalada muqisho kaga qayb galay shir looga hadlayey arrimaha Soomaaliya oo ay kasoo qayb galeen 15-ka xunood ee Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo ay kujiraan 5-ta xubnood ee joogtada ah.

 

Sidoo kale shirka waxaa Madaxweynaha dawladda Puntland ku wehelinayey Wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee dawladda Puntland Shire Xaaji Faarax iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf,  halka ay dawladda Federaalka uga soo qayb galeen  Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul-wasaaraha dawladda Federaalka iyo sidoo kale madaxda maamullada kumeel-gaarka ah ee koonfur-galbeed iyo Galmudug.

 

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2016-ka iyo fulinta heshiisyadii ay wada gaareen dawladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah beesha caalamkuna ay goob joogga iyo dammaanad qaadka ka ahayd.

 

Golaha ammaanka ee qaramada Midoobey ayaa sheegay in ay Soomaaliya u yimaadeen in ay si dhow ula socdaan hannaanka geeddi socodka doorashooyinka iyo taageerada ciidanka Amisom, isla markaana ay doonayaan in doorashadu ay qabsoonto xilligii loogu talo galay, heshiisyadii ay wada gaareen dawladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ahna in si buuxda loo fuliyo dhammaantood.

 

Sidoo kale  Golaha ammaanku waxay  ka digeen in haddii wax muddo kororsi ahi  yimaado  uu dalku wajihi doono xaalad deg-deg ah isla markaana ay suuragal noqon karto in dawladda Federaalka  dib loogu celiyo xilligii kumeel-gaarka ee ay kasoo gudubtey.

 

Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad taariikhi ah oo dhinacyo badan taabanaysa shirka ka jeediyey, khudbaddaas oo uu diiradda ku saaray ujeedooyinkii Puntland loo aasaasay ee ahaa in lagu baadi doono qarannimo Soomaaliyeed iyo dhibaatooyinkii ay Puntland kala kulantay baadi goobkaasi ay ugu jirto sidii mar uun ay Soomaaliya uga dhalan lahayd dawlad  Soomaaliyeed oo cageheeda isku taagta.

 

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland ay shirka ka sheegay in Puntland ay dedaal xoogle u gashay  welina ay ugu jirto sidii ay dalka Soomaaliya ay uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah balse marwalba dhinaca dawladda Federaalka ay caqabaduhu ka imaanayeen heshiisyada lagaarana ay dhinacaasi ka fuli waayeen.

 

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in Puntland aanay aqbalayn wax muddo kororsi ah sidoo kale aanay aqbali doonin in wax laga beddelo heshiisyadii dammaanadda lahaa ee ay wada gaareen dawladda Puntland iyo dawladda Federaalka Soomaaliyeed.

 

IMG_8871IMG_8873IMG_8881IMG_8884IMG_8886IMG_8889IMG_8890IMG_8892IMG_8899IMG_8902IMG_8921IMG_8927IMG_8957IMG_8958
Puntlandes.com

About The Author