FAALLO: Madaxweyne & Kooxdiisa DAMAL JADIID oo dib u hawlgeliyey Axmed Diiriye & Xaad

19 May 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh & Kooxdiisa DAMAL JADIID oo awoodooda isugu geeyey sidii ay Xilka usii hayn kahaayeen Qiimo  kasta ha ugu kacdee ayaa waxay dib u hawlgeliyeen Odoyaasha Hawiye oo ay Hormuud u yihiin Prof Axmed Diiriye iyo Akhayaar Xaad, iyagoo faray inay abuuraan Qalalaase AMNI iyo mid SIYAASADEED.

63a

Madaxweyne Xasan Sheekh & Kooxdiisa DAMAL JADIID ayaa qaybiyeuy Kuraasta Aqalka sare iyagaa Shacabka Soomaaliyeed oo aan doonayn ku qasbay inay laba kala doortaan in Waqtiga loo kordhiyo oo la dhaho waligiin Haya Xilka in qasab lagu qaato 4.5 iyo habkii cadaalad darada ahaa ee ay ku qaybiyeen Kuraasta Aqalka sare.

Xaqqii Gobolka Banaadir Madaxweyne Xasan Sheekh & Kooxdiisa DAMAL JADIID

223-2a2

Haddii lagu qaybsan lahaa Degmo wuxuu Gobolka Banaadir o oka kooban 16 degmo heli lahaa Aqalka Hoose 16×3 oo ah 48 Xubnood. Aqalka Sare na wuxuu ka heli lahaa 3 Xubnood.

Taas bedelkeeda Madaxweyne Xasan Sheekh & Kooxdiisa DAMAL JADIID oo dantooda iyo sidoii ay dib ugu hanan lahaayeen Villa Somalia ka fekeraya ayaa waxay ummadda Soomaaliyeed ku qasbeen sidan:

  • In Galmudug oo Sharuudii Dastuurkja Buuxin oo ka Kooban ay hesho 8 Xubnood  Aqalka Sare halkii haddii Gobol lagu qaybsado sidii horay loogu heshiiyey ay heli lahayd 4 Xubnood.
  • In Gobolada Hiiraan iyo Shabeelah Dhexe ay helaan 8 Xubnood  Aqalka Sare halkii haddii Gobol lagu qaybsado sidii horay loogu heshiiyey ay heli lahaayeen 6 Xubnood.

Ummadda Soomaaliyeed Cadaalad daradaas indhaha ayey ka qarsatay iyadoo eegaysa Wadjirka iyo danta ummadda Soomaaliyeed.

Ma garbaa in maanta la abuuro Buuq ku saabsan ina Gobolka Banaadir Xaqiisa la duudsiyey? yaase Duudsiyey?

Bishii Janaayo bartamaheedii ayey ahayd markii Madaxweyne Xasan Sheekh & Kooxdiisa DAMAL JADIID ay Qaybsheen Kuraasta Aqalka Sare markaas oo ay dawlada Puntland iyo shacabkeeduba ay u diideen in la qaato 4.5 Aqalka Hoose iyo in la qaato habkii ay Madaxweyne Xasan Sheekh & Kooxdiisa DAMAL JADIID wax u qaybiyeen Aqalka Sare maxay markaas dadka maanta qaylinayaa ula safan waayeen Puntland iyo shhacabkeeda waa iyagii u durbaan tumayey oo lahaa waa lagu qasbin Puntland e ?
Dhagayso Axmed Diiriye oo afka Furtay sidii Caadada u ahayd!!

Waxaa cad in Madaxweyne Xasan Sheekh & Kooxdiisa DAMAL JADIID ay ka leeyihiin dib u hawlgelinta Prof Axmed Diiriye iyo Akhyaar Xaad DAN siyaasadeed oo RAQIIS AH taasoo ah inay ku abuuraan Jawi Degenaansho laäaan ah si ay u helaan waqti kororsi!!!

Mudaharaadkii maant ay Villa Somalia soo Abaabushay wuxuu ku yahay Madaxweyne Xasan Sheekh & Kooxdiisa DAMAL JADIID Ceeb maxaa yeelay waa loo jeedaa siday usoo abaabuleen iyo inay iyagu dadka guryahooda kasoo saareem.

Xaggee lagu arkay Gudoomiye Gobol oo Madaxweynihiisii iyo Raysul wasaarihiisii si CAD COD dheer ku leh waan diiday Waan diiiaday wixii aad go’aamiseen ?????

Mudaharaadkii maant waxay Villa Somalia kusoo dartay oo waardiyeynayey Askarta Madaxtooyada ilaalisa!!!

Beesha Caalamka ayaa Shalay si Foolxun ula hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh una sheegay inaan laga Aqbalayn Waqtilumis ayna tahay inuu Duuduub ku Ansixiyo Hanaankii Doorasho ee lagu soo Heshiiyey taaso Beesha Caalamka iyo Ummadda Soomaaliyeedba ay geliyeen waqti badan.

Maantana waxaa Booqasho ku yimid magaalada Muqdisho Golaha Amaanka iyagoo Cod dheer ugu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa in´aan laga aqbalayn Waqti lumis iyo RIWAAYAD laga dherensan yahay.

Waxaa caado ka noqotay Muqdisho madaxwenayaasha kasoo jeeda Beesha Hawiye inay Hawlgeliyaan Prof Axmed Diiriye iyo Akhyaar Xaad, laakiin waxaa Taariikhdu qoraysaa inaan Booto iyo Habhab waxba lagu Marooqsan karin Kursina aan lagu joogii karin Haddii ay Bootada Prof Axmed Diiriye iyo Akhyaar Xaad ay cid Kursi ku haynayaan waxay ku hayn lahaayeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo sidan oo kale u hawl geliyey Prof Axmed Diiriye iyo Akhyaar Xaad!!!

Puntlandes.com

About The Author