Sawirro: Madaxweyne Gaas oo kulan casho ah la qaatay Danjiraha dawladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho ayaa caawa 19-May-2016 kulan casho sharaf ah la qaatay Danjiraha dawladda Isu tagga  Imaaraadta Carabta u fadhiya dalka Soomaaliya Maxamed Al-Cutmaani.

Kulanka ayaa Madaxweynaha waxaa  ku wehelinayey Wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah dawladda Puntland Shire Xaaji Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Maxtooyada Deeq Saleebaan Yuusuf, waxaana kulanka cashada lagu qabtay xarunta Safaaradda Imaadka ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dawladda Puntland iyo danjiraha dawladda Isu tagga Imaaraadka ayaa kulankooda uga wada hadlay xaaladda guud ee dalka Soomaaliya gaar ahaan marxaladda kala guurka ah ee uu dalku ku jiro.

Danjire Maxamed Al-cutmaani ayaa Madaxweynaha dawladda Puntland ku ammaanay dedaalka ay dawladdiisu ugu jirto horumarinta iyo adkaynta nabad gelyada Puntland iyo doorka ay dawladda Puntland ka qaadatay xal u raadinta Soomaaliya,  isagoona si gaar ah u xusay tanaasulaadkii tirada badnaa ee ay dawladda Puntland u samaysay sidii ay Soomaaliya uga bixi lahayd xaaladda adag ee ay la daalaa dhacaysey 20-kii sano ee ugu dambeeyey.

Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in dawladda Isu tagga Imaaraadka carabtu ay marwalba garab taagnaan doonto dawladda Puntland oo ay ka caawiso dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin la dagaallanka burcad badeedka iyo la dagaallanka kalluumaysiga sharci darrada ah.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Danjiraha Imaaraadka uga mahadceliyey soo dhoweyntiisa iyo casho sharafta maamuuska huwan ee uu u sameeyey,  waxaana uu hoosta ka xarriiqay in ay muhim tahay in lasii xoojiyo iskaashiga saaxiibtinimo, ganacsi iyo nabad-gelyo ee ka dhexeeya dawladda Isu tagga Imaaraadka Carabta iyo dawladda Puntland.
IMG_8959IMG_8962IMG_8965IMG_8987IMG_8993

About The Author