Warsaxaafadeed- Qaar ka mida Isimada Puntland oo Garowe Shir ugu soo Gabagaboobey ayaa Hadlay Shirka Qardho

20 May 2016 (Puntlandes) Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa waxaa shir u soconayey mudo saddex maalmood ah qaar ka mida Isimada Puntland waxa uu ugu soo gabagaboobey maanta iyadoo lagu Qaadacay Shirka ka dhacaya magaalada Qardho oo uu gogoshiisa dhigay Boqor Burhaa, hoos ka Akhriso qodobadii laga soo saaray Shirkaas.
Daawo gabogabadii Shirka qaar ka mida Isimada

AKHRI

223-6b2

Warsaxaafeedka Isimadu ay soo saareen Wuxuu u qornaa sida tan:-

1.shirkaPuntland looga dhawaaqay xiligan ee lagu casumay dhaqanka Soomaalida ma ahan mid loo dhanyahay.

2.Isimadu waxay ku baaqayaan inay shir isugu yimaadaan isimada puntland magaalo madaxda garoowe 15 bisha 7-aad 2016 si looga sii ambaqaado wixii masaalix u noqon kara Ummada Puntland puntland iyo soomaaliyaba.

3.kadib markuu qabsoomo shirka isimadu ee ku xusan qodobka 2-aad waxay isla garteen in loo gudbo shir daarood kaasi oo caqabad iyo dib u dhac uga timid fulinla,aanta qodobka hore bishii december sanadkii 2015-kii markaas kadibna lagu dhawaaqo shirweyne dhaqan soomaaliyeed si loogu xaliyo kala qoqobnaanta iyo dib u dhaca waqtigiisu inagu dheeraaday.

4.dhaqanka geeska africa ee warkani gaaray waxaan ku talinaynaa inay baaqi ku ahaadaan fadhiyadooda inta cod midaysan uu kasoo baxayo isimada Puntland oo isku duuban.

5.waxaa kusoo kordhaya ayaamahaan amni darooyin gobalada Puntland inagoo dhaqan u lahayn amni iyo isku duubni waxay isimada Puntland ku baaqayaan in dowlad iyo shacab in si wadajir ah loo ilaaliyo xasiloonida,midnimada iyo horumarka Puntland lana furo wadahadalo lagu xalinayo khilaafka beelaha ayna is xakameeyaan cidkasta oo dhibi kasoo gaarto arimahaas inta laga fulinayo heshiisyadii horay looga gaaray colaadaha soo noqnoqda iyadoo Ummada Puntland ay ogyihiin inaan amni la,aan waxba jirayn.

6.arimaha sicir bararka maciishada iyo dadka abaaruhu saameeyeen ee diiftii wali hayso waxay u baahanyihiin fiiro gaar ah waxaana lagu qaadaa dhigi doonaa ayaamaha shirkaan ka haray.

7-Isimada Puntland waxay ilaah uga baryayaan guud ahaan Soomaaliya in ilaahay dhibta iyo colaadaha ka saaro iyagoo ku talinaya inaan la nimaano qorshihii looga bixi lahaa soona xulno xiliga kala guurka dadkii fulin lahaa horumarka aynu u baahanahay.

Warsaxaafadeedka waxaa soo saaray Isimada kala ah.
1.Islaan Ciise Islaan Maxamed
2.Suldaan Siciid Maxamed Garaase
3.Suldaan Maxamed Suldaan Axmed Maxamuud
4.Suldaan Maxamuud Xasan Cumar
5.Suldaan Cabdulaahi Saalax Cumar
6.Islaan Axmed Islaan Maxamed
7.Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil
8.Garaad Cabdulaahi Dacar Tamaam
9.Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin
10.Garaad Cabdulaahi Cali Ciid
11.Boqor Cabdulaahi Axmed Cali
12.Suldaab Bashiir Muuse Kownte
13.Garaad Maxamed Cilmi Shirwac
14.Islaan Maxamed Islaan Yaasiin
15.Suldaan Cabdisalaan Shiikh Maxamuud
16.Ugaas Cabdulqaadir Cilmi Filig.
17.Islaan Maxamed Sandheere
18-Islaan Maxamed Maxamuud
19.Suldaan Siciid Maxamed Irbad.

Puntlandes.com

About The Author