Sawiro: Bursalax Secondary School oo uu Furmay imtixaanada Dugsiyada Rigoomane, Dugsiga Nuur Alyaqiin dugsiga Cirro iyo Dugsi sare

22 May 2016 (Puntlandes)  Shalau oo bishu ahayd 21kii May 2016 waxaa ka bilowday Guud a ahaan Gobolada Dawladda Puntland imtixaankii fasalada 8aad iyo 12aad Ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland ay qaadaysay.

Shalay ayaa waxaana Dugsiga Sare ee Bursalax Secondary School ka Furmay imtixaanada Dugsiyada Rigoomane, Dugsiga Nuur Alyaqiin  dugsiga Cirro iyo Dugsi sare ee Bursaalax.

Furitaankii Imtixaanka ayaa waxaana kasoo qaybgalay Gudiga waalidiinta Dugsiga Sare Ee Bursaalax Maamulayaasha Dugsiyada kala duwan ee goobtaas imtixaanka ku gelayey, Maamulka Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax iyo Kormeerayaashii Wasaaradda Waxbarashada Dawladda Puntland.

Arday u Fariisanaysay Imtixaanka ayaa Wajiyadooda waxaa ka muuqday Farxad, diyaargarow iyo isku kalsoonaan.

Bahda Warbaahinta Puntlandes waxay u rajaynayaan Ardayda Bursaalax iyo Nawaaxigeeda ah ee Imtixaanka ku galaya Iskuulka Sare ee Bursalax GUUL iyo NATIIJO wanaagsan.

223-8a2

223-8a3

223-8a4

223-8a5

About The Author