Madaxweyne Gaas oo berri kusoo wajahan Garowe

22 May 2016 (Puntlandes)  Madaxweynaha dawlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas aya maalinka berri oo ku beegan Isniin 23ka May kusoo wajahan Caasimad Puntland ee Garowe.

89ab

Madaxweyne Gaas ayaa maalmihii u dambeeyey Safar shaqo oo la xiriiray Xaqiijinta Hanaankii Doorasho ee lagu Heshiiyey ku joogay magaalada Muqdisho ee Caasimada JF ee Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas ayaa wuxuu kula kulmay Golaha Amniga ee UN-ka iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka intii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho, wuxuuna kusoo guuulaystay Hirgalinta Hanaankii Doorasho ee lagu Heshiiyey kaasoo uu asal u ahaa Heshiiskii DFS iyo dawlada Puntland ku dhexmaray Garowe 3dii April 2016.

Puntlandes.com

About The Author