Raysul Wasaaraha DFS oo ku soo Wajahan Bosaso

22 May 2016 (Puntlandes) Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa waxa uu ku soo Wajahan maalinka Talaadada ee bishan May ay tahay 24ka Xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso.

217-8l

Safarka uu Raysul Wasaare Sharmarke ku imaanaya Bosaso Puntland ayaa kusoo aadaya iyadoo uu madaxweyne Xasan Sheekh Xeer madaxweyne ku meel mariyey Hanaankii Doorasho ee lagu Heshiiyey.

Raysul Wasaare Sharmarke ayaa ka shaqeeyey aadna isugu hawlay sidii loo hirgalin lahaa Heshiiskii Garowe iyo kii Madasha Wada Tashiga kazoo baxay  12ka April iasgoo aan waxna laga bedelin.

Safarka uu Raysul Wasaare Sharmarke ee Bosaso ayaa kusoo aadaya iyadoo uu ka magaalada Qardho Shir dhaqan Soomaaliyeed oo uu ku baaqay ama gogoshiisa dhigay Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan, kaasoo qaban qaabadii ugu dambaysay ku jira.

Puntlandes.com

About The Author