Shirkii Dib u eegida Dastuurka ee Garowe oo loo balansan yahay Ramadhaan kadib

23 May 2016 (Puntlandes)  Shirkii Dib u eegida Dastuurka ee Garowe oo ahayd inuu dhaco Bishan May 2016 ayaa waxa uu Garowe ka Furmayaa sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes Bisha barakaysan ee Ramadhaan kadib.

223-8c1

Dib u dhacan ayaa kusoo aadaya iyadoo uu shalay Xeer Madaxweyne uu ku meel mariyey Hanaankii Doorasho ee lagu Heshiiyey madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uuna noqonayaa markii labaad oo dib loo riixo.

Sida ay war hoose ku heshay Warbaahinta Puntlandes wax saamayn ah ku yeelanayoshaqada Doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo bisha sep 2016.

Shirka Dastuurka ee ka dhacaya Caasimada Puntland ayaa ah Shir aad Muhiim ugu ah dib u yagleelida dawladnimada Soomaaliya iyo ka shaqaynta Dastuur dhamaystiran oo Federaal ah oo ay yeelato.

Puntlandes.com

About The Author