Sawirro: Madaxweynaha dawladda Puntland oo magaalada Qardho kaga qayb galay shirkii hoggaamiyayaasha dhaqanka Soomaaliyeed

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo saaka hiirtii waaberi ka amba baxay magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland ayaa gaadhey magaalada Qardho ee xarunta dhaqanka Soomaaliyeed.

Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa ahaa ka qayb galka shirka madasha wadatashiga hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed oo markii ugu horraysey taariikhda uu gogoshiisa dhigay  Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf boqor Cismaan laguna qabtay maanta oo ay taariikhdu tahay 24-May-2016  magaalada qardho ee xarunta gobolka karkaar.

Shirka Madasha wadatshiga hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa kasoo qayb galay in kabadan 110 Isim dhaqameed oo ka kala yimi guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya iyo gobolada soomaalida ee waddamada deriska ah sida Kenya, Jabuuti iyo Ethiopia.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shirkaasi furay ayaa sheegay in shirkaani aanu wax siyaasad ah xiriir la lahayn balse uu yahay mid ku taxalluqa hoggaamiyayaasha dhaqanka Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa usoo jeediyey hoggaamiyayaasha dhaqanka Soomaaliyeed in ay ka shaqayeen aayaha iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed ee ay laf dhabarta u yihiin isla markaana ay ka fogaadaan wax walba oo dhexdooda khilaaf ka abuuri kara.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku boorriyey isimadii dhaqanka ee maanta madashii dhaqanka fadhiyey in ay samaystaan hoggaan isla markaana yeeshaan xiriiro joogto ah iyo shirar dheeraad ah si’ay usii amba qaadaan doorkooda hoggaan dhaqameed iyo isku xirka bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kula dar-daarmay hoggaamiyayaasha dhaqanka Soomaaliyeed in ay ka shaqeen midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo wax walba oo isu soo dhoweynaya shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
IMG_9110IMG_9112IMG_9116IMG_9119IMG_9121IMG_9140IMG_9149IMG_9155IMG_9161IMG_9165IMG_9176IMG_9177IMG_9180IMG_9183IMG_9188IMG_9190IMG_9215IMG_9220IMG_9224IMG_9227IMG_9230IMG_9231IMG_9234IMG_9240IMG_9244IMG_9258IMG_9259IMG_9262IMG_9267IMG_9269IMG_9272IMG_9273IMG_9283IMG_9288IMG_9291IMG_9313IMG_9319IMG_9333IMG_9361IMG_9381IMG_9382IMG_9392IMG_9396IMG_9402IMG_9403IMG_9409IMG_9416IMG_9423IMG_9430IMG_9444IMG_9453IMG_9480IMG_9483IMG_9487IMG_9489

About The Author