Sawirro: Madaxweynae oo qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wufuud ka kala socotey Hay’adaha GIZ iyo World Vision

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta 24-May-2016 Hoygiisa qasirga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madax ka socotey hay’adda  Jarmalka u qaabilsan mashaariicda horumarinta ee GTZ iyo World Vision  .

Mas’uuliyiintii ka socdey Hay’adda GTZ  oo ah  hay’adda fulinaysa Mashruuca dhismaha iyo dayactirka waddada isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey halka uu marayo mashruuca dhismaha iyo dayactirka waddadaasi, isla markaana waxa ay sheegeen in dhismaha waddada ay  bilaabi  doonaan bisha September 2016-ka  soona  geba-gebayn doonaan bisha  September 2017-ka.

Hay’ada GTZ ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay tayayn doonaan korna u qaadi doonaan  xirfadlayaashaa ka hawlgala hay’adaha dhismaha wadooyinka Puntland oo ay ka mid tahay hay’adda waddooyinka Puntland ee NESHA si waayo aragnimadooda loo kocbiyo.

Madaxweynaha Dawlada Puntlanda ayaa dawladda Jarmalka ku ammaanay dedaalka ay ugu jirto dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland isla markaana waxa uu sheegay in ay garab taagnaan doonaan lana shaqayn doonaan  hay’adda GTZ ee fulinaysa mashruuca dhismaha wadada isku xidha magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Dhinaca Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa hay’adda World Vision ee Soomaaliya Simon Nyabweng  iyo wafdi uu hoggaaminayo, waftigaas oo Madaxweynaha kawada hadleen dar-dargelinta mashaariicda ay hay’adda World Vision ka fuliso Puntland, mashaariicdaas oo ay ka mid yihiin Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Simon Nyabweng ayaa dhankiisa ballan qaaday in World Vision ay Puntland ka hirgelin doonaan iskuullo iyo  xarumaha xannaanada hooyada iyo dhallaanka (MCH) sidoo kalena waxa uu sheegay in ay Cusbitalka weyn ee Garoowe  kusoo kordhin doonaan qayb cusub oo lagu xannaanayn doono carruunta dhasha iyagoo aan gaarin  xilligoodii (Toddobo ku dhaley) iyo carruunta jirrooyinka kala duwan ku dhalata.

Ugu dambayn  hay’adda World Vision ayaa balan qaaday in ay u abuuri doonaan dhallinyarada Puntland xirfado kala duwan oo ay ku maareeyaan noloshooda sida farsamooyinka gacanta iyo aqoon korodhsiga xirfadaha gaagaaban.
IMG_9501IMG_9506IMG_9511IMG_9516
Puntlandes.com

About The Author