Sawiro: Wasiirka Gaashaandhiga DFS oo ka qayb galay Xaflad sarakiil tababar loogu xirayay oo Khartoum ka dhacday

25 May 2016 (Puntlandes) Xafladdan Tababarka loogu soo xirayay oo ka dhacaysay Xero Militari oo ku taal duleedka Magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Suudaan Cumar Xasan Axmed Albashii, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga DFS Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo Madax kale.

Sidoo kale waxaa meesha goobjoog ka ahaa Diblumaasiyiin ka kala socday dhamaan Safaaradda wadamada Saraakiishooda loogu tababaray Jaamacadda Milatary ee Khartoum ku taala.

Xafladdan oo ay ku qalinjabinayeen Saraakiil Soomaaliyeed oo muddo labo sano ah Layli ciidanimo uga socday duleedka Magaalada Khartoum ayaa soo gabagabeeyay Tababarkooda, iyadoo sidoo kale tababar la qaadanayay Saraakiil kala duwan oo ka tirsan Gobolka geeska Afrika.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Suudaan u yimid sidii uu uga qayb gali lahaa Xafladdaas Saraakiisha tababarka loogu xirayay si uu u dareensiiyo in ay yihiin Saraakiil ciidan oo aad loogu tashanayo muhiimad gaar ahna la siinayo si wadanka u difaacaan

 

DSC07469DSC07498DSC07503DSC07530DSC07537DSC07543DSC07549DSC07566DSC07570DSC07584DSC07587DSC07597DSC07609DSC07634DSC07637DSC07644DSC07646

Puntlandes.com

About The Author