Daawo Muuqaal Madaxweynaha DFS oo ka hadlay mar kale in halka wax kaliya ee aan Soomaaliya loo qaban karin ay tahay SIYAASADDA

25 May 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad ku saabsan Sanad guuradii 53aad ee Aasaaskii Midawga Afka ka jeediyey ayaa waxa uu ku dheeraday ka hadalka Geediga dheer ee ay Soomaalidu ugu jirto inay dawaladnimo Taam ah hesho taasoo ay Beesha Caalamku ka Taageerayso Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan ayaa ku celiyey mar kale in Wax walba ay Beesha Caalamku u qaban karto Soomaaliya sida Sugidda Amniga dalka laakiin halka wax ee kaliya ee aan Soomaaliya loo qaban karin ay tahay SIYAASADDA, isagoo ntaas kusii daeay in Soomaalidu aty cabsida iska daayaan

Madaxweynaha ayaa dhanka kale cod dheer ugu sheegay maamulada dalka iminka ka dhismay inay mas’uuliyadi ka saaran tahay inay dhulkooda Alshabaab ka xoreeyaan aysana marmarsiiyo u noqon karin in ay tabar yar yihiin iminka.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in aan Beesha Caalamku ka yeelayn Soomaalida inay wax Xumeeyaan wuxuuna yiri “Waa nalala leeyahay talada oo Beeha Caalamka ayaa nala leh” isagoo dhanka kale QIRAY inay wado dheer ay tahay wadada dib loogu yagleelayo dawladnimada Soomaaliya isagoo carabaabay 20, 30 sano ama ka badan.

222-4d2

Puntlandes.com

About The Author