Dhagayso: Khudbadii Boqor Burhaan Boqor Muuse ee Xiritaanka Shirkii Dhaqanka ee Kasocdey Qardho

26  May 2016 (Puntlandes) Shirkii Madasha Wadatashiga Hoggaamiyayaal Dhaqameedka Soomaaliyeed ee magaalada Qardho ka socday muddada saddexda maalmood ah ayaa waxaa soo xiray maanta Boqor Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo isagu horay u dhigay gogasha shirkaan.

224-1a4

Boqor Burhaan ayaa u mahadceliyey dhamaan kasoo qaybgalayaasha shirka iyo intii ku taageertay Qabashada Shirka iyo Isimadii soo haleeli waayey inay Shirka yimaadaan lana soo Xiriiray Boqorka.

Boqor Burhaan ayaa si gaar ah waxa uu ugu mahadceliyey AMIIR Maxamuud Yuusuf iyo Suldaan Maxamuud Geelle wuxuuna yiri Boqorku “waxaan si kal iyo laab ah oo niyadsami ah, oo ixtiraam iyo sharafi ku jirto aan ugu mahadcelinayaa cid kasta oo Gacan igu siisay ama talo igu siisay ama igu taageertay Shirkakan oo hada qaybtooda ugu dambaysay AMIIR Maxamuud iyo ay ka mid ahaayeen oo shalay Talooyin wax ku ool ah na siiyey”

Dhagayso Boqor Burhaan

Puntlandes.com

About The Author