Shirkii Madasha oo qarka u saaran in lagu kala tago natiijo la’aan

30 May 2016 (Puntlandes) War hada soo gaaray Warbaahinta Puntlandes oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inuu galay xaalad aad u cakiran Shirkii madaxda Soomaalida uga socday magaalada Muqdisho.

2223-6c1

 

Warkani wuxuu hoosta ka xariiqayaa in lagu kala tagayo maanta Shirkaas iyadoon wax Heshiis ah ama natiijo ah aysan kasoo bixin.

Qodobka la isku mari waayey ayaa ah in madaxweyne Xasan uu dalbaday in Kuraas laga siiyo Aqalka Sare Magaalada Muqdisho, iyadoo ay diideen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Gaas iyo Axmed Madoobe waxay soo jeediyeen maadaaba ay 3.5 Gobol ee Koonfurta Mudug ilaa Xamar ay ka heleen Aqslka Sare 16 xubnood in Banaadir uu iyaga wax la qaybsado, waana diideen in kuraas loogu daro mogadishu Aqalka Sare.

Dhanka madaweyne Xasan Sheekh iyo saaxibadiis waxay taagan yihiin hawaanba waa in kuraas loo helaa magaalada Muqdisho.

Waxaa wax lala yaabo ah in Xasan Sheekh oo si kalinimo ah u qaybiyey Kuraasta Aqalka Sare isagoo u Sadburiyey Qabiilkiisa inuu hadana lasoo Shir tagay waa in aan kuraas kale oo dheeraad ah helaa.

Wararka kasoo kordha Shirka Xamar kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author