Sawiro: Wararkii u dambeeyey ee Shirka Madasha ee Muwdisho ka socda

30 May 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes oo aad ula socota Shirka Mafasha Wadatashiga ee ka socda magaalada Muqdisho kaasoo looga arinsanayo faahfaahinta qaabka ay u dhacayso Doorashada ayaa waxaa laga gaaray guul dhamaan qodobadii marka laga reebo hal qodob.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in la isku mari waayey qodob uu madaxweynaha DFS Xasan Sheekh keenay shirka oo ah Sadbursi uu ku doonayo in uu Kuraas kale ku helo Magaalada Muqdisho, waxaana ku gacansayray madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Gaas iyo Axmed Madoobe.

Dhanka kale waxaa lagu heshiiyey dhamaan qodobadii ku saabsanaa qaabka Doorashada.

Warbaahinta Puntlandes waxay akhristayaasheeda usoo gudbinaysaa sawirada Gudiga Farsamada.

IMG-20160530-WA0005

IMG-20160530-WA0004

IMG-20160530-WA0003

IMG-20160530-WA0002

IMG-20160530-WA0001

IMG-20160530-WA0000

Puntlandes.com

 

About The Author