Madaxweyne Ordugaan oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

3 June 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordugan iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga M.weynaha waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Madaxeynaha JFS mudane Xasan Sh Maxamuud iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan labada gole ee dowladda.

Ordugaan ayaa gaaray Safaaradda Dowladda Turgiga ay Kadhisteen Soomaaliya halkaas oo si weyn loo gu soo dhaweeyay,waxaan halkaas ku sugan Guduumiyaha Barlamaanka, R/Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada .

Dadweyne farabadan ayaa safan hareeraha Wadada isku xirta Garoonka illaa Dagmada C/casiis halkaas oo ay ku taalo Safaaradda Turkiga ,waxeyna Dadkaasi sitaan Sawirada Madaxweynayaasha Soomaalia iyo Turkiga

M.weyne Ordugaan ayaa la filayaa in uu xarigga ka jaro dhismaha xarunta Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya iyo Mashaariic kala duwan oo uu turkigu ka hirgaliyay Soomaaliya iyo kuwo hadda la qorsheynayo.
224-8a

224-8b

224-8b1
Puntlandes.com

About The Author