Hubkii Shacabka SSC ay Prof Galayr ugu gadeen inuu ku Xoreeyo Lasano oo uu ku taageray Beeshiisa dagaalka Dharkayngeeyo

4 June 2016 (Puntlandes)  Waxaa ka socda Deegaanka Dharkayngeeyo ee Gobolka Sool Allaha kala kala Qaboojiyee dagaal ba’an oo ay ku dhinteen ilaa iminka dad kor u dhaafaya 26 qof, waxa uuna u dhexeeya laba Beelood oo walaalo ah kala ah Bah hararsame iyo Qayaad.

213-7a

 

Prof Cali Khaliif Galayr ayaa waxa uu abaabulay shir lagu qabtay Taleex kaasoo uu ku sheegay inuu Xoraynayo magaalada Lasano ee Xarunta Gobolka Sool iyo deegaanada kale ee Beelaha SSC oo ay haysato Somaliland, kadibna waxaa ku taageeray dad badan oo reer SSC ah.

Prof Galayr waxa uu sameeyey maamul uu iminka ka yahay madaxweyne oo lagu magaacabo Khaatumo, kaasoo taareero dhaqaale ka hela Beelaha SSC.

War lagu kalsoon yahay oo soo gaaray Warbaahinta Puntlandes ayaa xaqiijiya in Prof Galayr uu xalay kasoo diray magaalada Buuhoodle 2 Tikniko ah iyo oo ay saaran yihiin Ciidankiisii gaarka ahaa, isagoo usoo diray inay la saxtaan Beesha uu kasoo jeedo ee Bah hararsame oo dagaal kula jirta Beesha Qayaad.

Sida ay xogta ay ku heshay Warbaahinta Puntlandes Ciidankaii Prof Galayr wuxuu ka qayb qaatay dagaalkii manta dhex maray labada Beelood ee walaalaha ah.

Waxa dad badan oo reer SSC ah ay la yaaban yihiin Hubkii Shacabka SSC ay Prof Galayr ugu gadeen inuu ku Xoreeyo Lascaano ee ka dhaxeeyey Beelaha SSC inuu ku taagero Beeshiisa oo dagaal kula jirta Beel ka mida Beelaha SSC.

Puntlandes.com

About The Author