Sawiro: Madaxweynaha Dawladda Puntland OO Booqday Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

Madaxweynaha Dawllada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan Magaalada Abu-Dhabi ee Caasimada Wadamada Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 6 june 2016 booqday Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo halkaasi hawlo caafimaad u jooga.

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo maalintii saddexaad ku sugan Magaalada Abu-Dhabi oo uu hawlo shaqo u joogo ayaa booqashadiisa maanta ee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed waxay ahayd sidii madaxweynuhu uu xaalada caafimaad ee Garaadka uu wax uga ogaan lahaa.

 

Madaxweynaha ayaa Garaad Saleebaan Garaad Maxamed illaahay uga baryey in uu siiyo caafimaad wanaagsan isla marhaantaana u sheegay inuu ka warqabi dooono xaaladiisa tan iyo inta uu soo dhamaysan doono hawlahiisa caafimaad ee uu ujooga Magaalada Abu-Dhabi.

 

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo xaaladiisa caafimaad ay ahayd mid aad iyo aad u wanaagsan ayaa madaxweynaha u sheegay in uu aad iyo aad u ladan yahay illaahayna uu uga xamdi naqayo caafimaadka uu siiyey.

 

Sidoo kale Garaadka ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha Dawladda Puntland kaalintii weynayd ee uu ka qaatay dedaadlkii loo galay sidii dhakhtar caalamiya loo geyn lahaa si uu u helo adeeg caafimaad oo wanaagsan.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa tan iyo shalay kulamo gaar gaar ah la lahaa madaxda Dawladda Emaraadka Carabta iyo maalgishiyo shisheeya oo danaynaya inay Puntland maalgashadaan.
225-1b

225-1b1

225-1b2

225-1b3

225-1b4

225-1b5

225-1b6

225-1b7

225-1b8

225-1b9

225-1b10

225-1b11
Puntlandes.com

About The Author