Faallo: Isbedelka Puntland iyo Soomaaliya

0

Waxaa Soomaaliya ka socda isbedel lagu hirgalinayo nidaamka Federalka , kaas oo lagu Unkayo dowladihii uu ka koobnaan lahaa Federalka Somalia.

 

13      Beesha Caalamka oo talaabadan qeyb xoogan ka qaadanaysa ayaa misna waxa bar bar socda qorshayaal                                                                                                                                                                                                                                                  kale oo fadhiida, kuwaas oo dadka qaarkiis u xusul duuban yihiin sidii la isku hor taagi lahaa.

 

Waxa mudan in loo mahad noqo talaabooyinka uu hormuudka ka yahay Nicholas Kay oo ah Wakiilka QM u qaabilsan Somaliya oo durba aynu ka aragnay dhanbaalo uu soo saarey oo uu Somalida ugu iftiiminayo sidii ay uga faa,iideysan lahaayeen hirgalinta Nidaamka Federalisma.

Riix Halkaan Si Aad uga dhagaysato waraysiga Ergayga gaarka ah Nicholas Key

 

Maamulada soo iftiimiyay rajada hirgalinta nidaamka Federalka Somaliya ayaa waxa ka mid ah maamulka KMG ee Jubba oo lagu dhawaaqay 28/08/2013 halka Maamulka Koonfur Galbeed ee saddexda Gobol ka kooban isna uu kusoo biiray hanaanka Federalka Somalia 23/June/2014 ka dib markii ay aqoonsatay taariikhdaas Dowlada Federalka Somalia oo ay hormuud u yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra,iisal wasaare C.wali Sheekh.

14

Sida ku xusan taariikhda Shacabka Puntland waxay noqonaysaa  kuwa ugu horeeyey ee laga dhaxlayo fikrada nidaam Federalism ah in dib la isugu soo celiyo Ummada Somaliyed oo ay kusoo noqoto Awoodii dalka madaxa banaan ee Somaliya uu ku lahaa Caalamka,  xilli ay dhow dahay  gurashada miraha nidaamkan dhaxal galka oo Somalidoo  idil  dowladnimo u horseedaya ,, misana waxa meesha taala maahmaahdii oronaysay  ”laba shimbirood hal dhagax ku  dila”.

 

 

Waajibaadka ka saaran hogaanka Puntland Hanaanka Federalism-ka wuxuu noqonayaa labo qodob , waa tan koowaad ujeedada siyaasad ahaan ee shacabka Puntland inuu ku gaarsiiyo halkii laga rabay  hirgalinta  Federalka ” Waa Tan labaade ka shaqeynta isku soo celinta Somaliwayn iyo Sidii loo heli lahaa Dowlada Federal oo Somali oo dhan harsato iyada oo uu u marayo wadooyinkii uu horrey ugu soo bilowday lagana ilaalinayo in qolo gaara dhacdo ama maroorsato awooda Xukunkaas yeelanayo.

 

Yaa Kasoo Horjeeda Federal ?

 

Magacaabista guddiga madaxa banaan ee uu ka ansixiyey golaha wasiirada iyo Baarlamanka Wasiirka Dastuurka Dowlada Federalka Farax C.qaadir maxay tahay sababta loogu soo beegay xilli uu dalka ku baahayo nidaamka federalism-ku.

Waxaana guddigaas xubin ka ah Marwo Caasho Geele Diiriye oo ah haweeney caan ka ah Mandiqada Puntland, Walow aysan jirin Kaalinta iyo Qorshaha  ay ku leedahay Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federalka u qaabilsan Puntland oo shaqadeedu la xiriirto arrimaha uu Madaxweyne Gaas u xushay Ms Caasho oo aan xubin ka ahayn Wasaarada !

Waana mid fahankeedu ku adkaatay dad badan sida la isu waafajinayo  howsha ay Puntland u matalayso Caasho iyo Shaqada Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federalka Puntland .

 

Dib u jaleecid Wareysi Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu arrimahaas kaga hadlay hoos ka Daawo,

Mudane Gaas  faahfaahin badan kama uusan bixin  sababta Ms Caasho uu ugu wakiishay xubin ka noqoshada guddiga dib u eegista Dastuurka Federalka Somaliya , wuxuuna ugu jawaabay wariyihii Su,aashaas weydiiyey Madaxweynaha Puntland  ”Ka Soco” Waa la yaabe sow ma ahayn su,aashu midda jawaabteeda shacabka Puntland ka sugayeen Madaxweyne Gaas  ?

 

15

Halka Marwo Caasha Geele ka dib markii ay xubin ka noqotay guddigaas wareysi ay bixisay wax lagaga weydiiyey qodobadii ay isku hayeen Dowlada Federalka Somaliya iyo Puntland waxay kaga jawaabtay indhahaagu macalin ha kaaga noqdeen oo halkan hoose ka Daawo fadlan”

Inta badan dadku waxay ku fasireen tan iyo intii uu Isbedelku ka dhacay Puntland inay noqotay “Wado halaq-mareen”  waxay u ekaatay Gobol laga maamulo Muqdisho oo awaamiirtiisu ka shaqeynayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.

1

Waayo waxaanu  wada ognahay inay Wasiiro, Taliyayaal, iyo Xubno kale oo ka tirsan Xukuumada Xasan Sheekh inay yimaadaan Puntland xilliga ay rabaan islamarkaana gaaray heer ah inay siminaaro ka qabtaan xaruntii magaalo madaxda Puntland ee Garowe, islamarkaana Siyaasada kula tartamaysay Xamar.

 

Waa yaab “Sidee u malaynaysaa marka ay bilaabmato shaqada guddiga dib u eegista  in laga helayo xubin ama xubno difaaca danaha iyo xuquuqda Puntland  ee Qodobada Dastuurka ku jirra ?.

 

Somalidu waxay ku maahmaahdaa “Sagaaro Sow Ima Barato “ Waa Su,aal qaluubta Shacab badan oo Reer Puntland Daalisay  oronaysana ” Ma Yahay Madaxweyne Gaas Hogamiyihii Puntland ee Waqtigaan Adag ?.

 

Ma jirto talaabo danqasho leh oo ilaa iyo hadda ku dhiiri galinaysa Baarlamanka iyo Shacabka Puntland sidii ay ugula xisaabtami lahaayeen masuuliyada hogaamineed ee Mudane Gaas oo aynu durba ka aragnay khaladaad badan oo daciifnimo iyo hoos u dhac siyaasadeed ku abuuray hankii iyo kaalintii Puntland ku lahayd Somaliya iyo Beesha Caalamka.

 

Puntlandes

info@puntlandes

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *