FAALLO:- “AF-HADLAABA AAMUS”.

0

Aamus-300x133

Farxadii iyo Raynrayntii ku saabsanayd inuu  barwaaqo ku gaarsiin doono Puntland Madaxweyne Gaas ka dib markii lagu soo doortey Isbedelkii dhacay horaantii sanadkan ” Maxaa bedelay Dadweynow ?  

 

Madaxweynuhu wuxuu ku hantay hogaaminta Ummada, ka dib  kalmado soo jiidasho leh oo uu ka sheegey fagaarayaasha , waxaana ka mid ahaa sidaynu xasuusano ”Waa barwaaqaynayaa Puntland, Laascaano faataxo laguma qabsan, dib baan usoo celinayaa midnimadii Shacabka Puntland” Maamul-wanaag, Waxaan la diriri doonaa Musuqmaasuqa iyo Ereyo kale oo cajaa,ibkooda lahaa “.

Hadaba Sidee Buu Xaal Noqday ?

 

Lix bilood oo kaliya ma soo muuqatay siyaasad ku salaysan xukuumad magacyo badan loo bixiyey , sida  Is-dabo Orod/Isfeer yaac, Been aan Xishood lahayn “Ku tagrifal Hanti Dadweyne, Dalxiisyo iyo Iskaba daa  soo celinta dhul maqan ay helis ku dhow-dahay ka ilaalinta Somaliland dhulka masaafada yar u jira Caasimada iyo Halka ay ku taalo Madaxtooyada Hoyga u ah Prof Gaas.

 

Muuqaalka hoose Wuxuu u baahan in dib u eegis aynu ku samayno.

Balan-qaadyadii qadinka ahaa ee Madaxweyne Gaas Maxaa Ka mid ahaa:-

 

Tayaynta Ciidama Amaanka, Wuxuu Dr Gaas sheegay in lakala hufidoono oo ay tiro badan yihiin Golaha Wasiirada,balse waa isweydiine kuwo ka yar miyuu soo magacaabay Madaxweynuhu ka dib doorashadiisii.

 

Shaqaalaha dowlada oo uu xad dhaaf ku sheegey Dr Gaas ayaa misana ay ku labo jibaarmeen Shaqaale cusub oo u badan Ehelada Madaxda iyo Xukuumada Madaxweyne Gaas.

 

Riix halkan si aad uga akhrisato “Dhado Roob Noqon Wayday”  Sababta loo yiri Madaxweyne Gaas.

Khuburo badan oo ku xeel dheer la socodka xaalada Puntland ayaa ku tilmaamay siyaasad xumida uu la yimid isbedelka ku guulaystey codka mucjisada ah mid aan lahayn jiho loogu hagaago, waa marka dhinac walba laga fiiriyo.

 

Ma rumaysan lahayd kharash dhan 970,000 oo Dollar inay ku baxday Safaradii uu Madaxweynuhu ku tagay Baadiyaha Mudug, Gardafuu iyo Bari, bedelkiisana ay mushahaar la,a yihiin Shaqaalaha iyo Ciidamada inta badan mudadii ay xafiiska joogeen Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisu.

 

Riix halkan si aad u akhriso Faallo Xog badan kaa siinaysa Marxaladaha ugu culus ee jira.

 

Waa Su,aal kale oo qeyb ka ah isweydiinta bulshada dhexdeeda oo ku aadan safarada Madaxweyne Gaas oo qaarkood laga soo xigtay kalmado ay ku yiraahdeen” Muxuu Madaxwaynuhu hadii uu meel tagayo uu tagi waayey Sool iyo Sanaag si la mid ah Safaradii ay ku yimaadeen Siilaanyo iyo Waftiyadiisu.

 

Burburinta Heshiisyadii horre ee Puntland.

 

Dowlada Xamar ayaa heshiis kula gashay shirkad batroolka baarta in ay ka baarto Puntland bedelkeedana sheegtay shirkadii horey Puntland heshiiska ugula jirtey kuwo aan waxba ka jirin oo afka ciida loo darey ” Waa yaabe  Muxuu ilaa iyo Hadda  Prof Gaas uga jawaabi waayey oo Agaasime hoosaad kaliya kalifay inuu ka qeyliyo

 

Wareysi Agaasimaha Macdanta iyo Batroolka Puntland Ka dhagayso halkan . http://www.bbc.co.uk/somali/maqal_iyo_muuqaal/2011/11/000001_caawa_lyo_caalamka_fri.shtml .

 

Bal eeg xaq u dirirnimada Dhoola waa, Ka dib Markii uu waayey Dawlad difaacda danaha Dalka iyo Dadka Puntland.

 

Dadoow Muxuu Dr Gaas ku fekeray? Xagee buu rabaa in uu ku furo Puntland? Miyuusan ogayn inay Tahay Masiir iyo Miisaan Ummadeed ?

 

Cilad Bixinta Qaladaadka Muuqda.

 

Puntland waa Dowlad leh saddex golle oo kala ah Golle Sharci dejin, Gole Xukuumadeed iyo Gole Garsoor, waa hubaal xisaab inay isugu imaan doonaan , dhaliisheedana dhibaatada ka jirta golle uun dhabarka loo saari doono.

11

Waxaana sida aanu la socono in badan oo ka mid ah baarlamanka oo hadda ku guddo jira Kalfadhiga 33-aad isugu diyaarinayaan sidii ay wada fariisi iyo wada xisaabtan u dhex mari lahayd Madaxweyne Gaas oo hadda ku guddo jira safar banaanka uu ku marayo.

 

Mana ahan mid dadku kaga shaki qabaan in saddex golle ee Dowladu raali isaga noqon doonaan xaalada Cakiran ee dalku uu haatan marayo, waana tan laga dhursugayo inay soo wada xisaabtamaan goloyaasha midba awoodiisa uu leeyahay.

 

Webbmester

Kala xiriir info@puntlander.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *