Madaxweyne Xasan oo Tuuryare xilkii ka qaaday si KM ahna ugu dhiibay Gaafoow

14 June 2016 (Puntlandes) Madaxwaynaha DFS Xasan Sheekh ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Soomaaliya Cabdiraxman Tuuryare.
225-7a3
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilkaasi si Kumeel gaar ah loogu dhiibay C/laahi gaafoow Maxmuud oo xilkaasi siin heyndoona inta taliye Cusub laga magacaabayo .
225-7a2
Taliyihii hore Tuuryare ayaa Madaxweynuhu u magacaabay la Taliyaha Wasiirka Aminga.
Sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes Golaha Wasiirada DFS ayey u qorshaysnayd inay xilka ka qaadaan Tuuryare maalinta Khamiista ee soo socota, waxaadna moodaa inuu ka hordhacay madaxweyne Xasan.
Puntlandes.com

 

 

 

About The Author