FAALLO: Muxuu noqon go’aanka RW Cumar marka uu Muqdisho ku soo noqdo?

18 June 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa kaligiis iska  magacabay Gudiga Doorashoyinka iyadoo qorshuhu ahaa in Raysal Wasaaraha DFS Cumar cabdirashiid Cali Sharmarke uu soo dhiso Gudiga soona magacaabo.

Waxaa iminka jira khilaaf wayn oo soo dhex galay madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha kaasoo sababay in Madaxweynuhu kala hormaro magacaabitaanka Raysal Wasaaraha iyadoo aan sharci ahayn balse u muuqata talaaboyinkii qalafsanaa oo uu ku meel marin jiray madaxweyne Xasan waxa uu doonayo kuwaas oo uu horay u qaaday waqtiyo kala duwan kuna guulaystay.

217-8l

Raysal wasaare Cumar magacaabitaankani wuxuu ku ridayaa god dheer rajadii RW Cumar uu ku doonayey inuu isku sharaxo madaxweyne taas oo aad loogu badinayey inuu guul fiican ka soo hooynayey marka la fiirsho jaanisyada horyaala.

Waxaase is weydiin mudan talaabada madaxweynuhu qaaday ma saacidaysa tartankiisa doorasho? jawaabtu waa maya, maxaa yeelay waxaa laysku hayaa waa Dirta Waqoyi cida soo xulaysa gudigooda iyo meesha lagu dooranayo xildhibaanadooda, sida hada meesha ka muuqatana madaxweynuhuu wuxuu arinkaas u xilsaartay Wasiirka Warfaafinta DFS Maareeye iyo Raysal Wasaare kuxigeenka DFS Maxamed Cumar Carte, iyadoo hadii uu arinkaasi hirgalo ay madaxweynaha DFS gacantiisa soo galayso 47 xildhibaan oo Dir Waqooyi ah oo isagu soo qortay.

217-3b

Isku daygaan hadii RW Cumar ka aamuso waxaa si cad banaanka u imaanaya in RW Cumar markii horaba uu wax la waday madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa DAMUL JADIID, halkaasna uu fursad kale oo aad wayn ka helayo madaxweyne Xasan inuu isagoo ruclayn ku soo noqdo kursigaan madaxweyninimada Soomaaliye ee lagu shaqaysto oo aan shacabka loogu adeegin, hadiise uu RW Cumar ka hor yimaado waxaa meesha ka cad in uu jiro loolan adag oo siyaasadeed taas oo rajo xumo galin karta madaxweyne Xasan Sheekh jaanisna siin karta RW Cumar oo taageero badan haysta iminka.

 

Arinkani wuxuu kala cadaan doonaa oo uu banaanka iman doona horaanta Usbuucan, waxaana la ogaan doonaa rajada RW Cumar uu leeyahay iyo cida awooda dalka iska leh.

Xaalkuna wuxuu noqon dagaal iyo kala tag sidii RW Cabdiwali  iyo madaxweyne Xasan Sheekh dhex martay oo kale!!!! ”WAR JIRAABA CAKAARA AYUU IMAAN”

Puntlandes.com

About The Author