Beesha Caalamka oo si adag uga hortimid Guddiga Doorashada oo uu madaxweyne Xasan magacaabay!

19 June 2016 (Puntlandes) Waxaa isa soo tarayaa diidmada ku aadan Gudiga Doorashoyinka oo uu madaxweyne Xasan Sheekh si iskiis ah u magacaabay, waxaa durbadiiba qaylo kasoo yeertay Dawlad Goboleedyada qaarkood, Ururada Bulshada rayidka iyo Xisbiyada dalka ka jira, waxaana qaylo dhaantaas ku qotontaa guddiga oo ay ka dhex muuqdaan xubno badan oo ay madaxweynaha ay jaal yihiin.

169c

Qayblo dhaanta Beesha Caalamka ayaa ka duwan kuwo dawlad Goboleedyada iyo Siyaasiyiinta ka soo yeeray, waxayna walaac xoogan ka qabaan 5 Wasiir oo ka midka ah Guddiga Doorashada, intii aan la magacaabin guddiga ka horna waxay talo ku soo jeediyeen in la cadeeyo mowqifkooda siyaasadeed, madaama ay iyagu wax kala xulayaan muhiimna ay tahay in qofkaas uusan ku jirin damac siyaasadeed.

Beesha Caalamaka ayaa ku talisay in Guddigaan ay meesha ka baxaana ama ay cadeeyaan in aysan u tartamaynin xildhibaanimo, hadii taas ay DFS ka dhaga adaygtana waxaa suurta gal ah in ay joojiyaan wada shaqaynta kala dhaxaysa dowaldda iyo dhaqaalihii lagu bixin lahaa Doorashoyinka soo socda

Arinkaan ayaa waxaa la qaba Beesha Caalamka Raysal wasaare Cumar waxaana arinkaan sababi karaa dib u dhac ku yimaada Hanaanka Doorasho iyo shirka la filayo inuu ka dhaco magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Puntlandes.com

 

About The Author