RW Cumar oo gaashaanka ku dhuftay wareegtadii uu madaxweynaha soo saaray Guddiga Doorashada

19 June 2016 (Puntlandes) Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa uu gaashaanka ku dhuftay wareegtadii uu madaxweynaha DFS Xasan sheekh kusoo saaray Guddiga Doorasha ee heer Federaal, isagoo mid aan sharciga waafaqsanayn ku tilmaamay wareegtadaas.

226-2

 

Warbaahinta Puntlandes ayaa warkan ka xaqiijisay Villa Somalia waana mid lagu  kalsoon yahay.

Dhawaan intii uu Raysul Wasaare Cumar dalka ka maqnaa ayaa waxaa la shaaciyey wareegto uu madaxweyne Xasan si iskiis ah usoo magacaabay Guddiga Doorasho ee heer Federaal kaasoo ay ka buuxaan madaxweyanaha dad uu wato waxaana ka biyo diiday guddigaan Beesha Caalamka, Siyaasiyiinta Soomaalida iyo qaar ka mida Dawlad Goboleedyada dalka ka jira.

Go’aanka uu maanta gaaray Raysul Wasaare Cumar waxaa ku raacsan Beesha Caalamka, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Warbaahinta Puntlandes ayaa Villa Somalia ka ogaatay inay iminka socdaaan shirar lagu lafagurayo arrintan soo cusboonaatay.

Dhanka kale wuxuu kusoo aadayaa go’aanka Raysul Wasaare Cumar iyadoo shalay shireen dhammaan dadka Muqdisho jooga ee doonaya in ay u tartamaan madxtooyada dalka waxaana ay ganafka ku dhufteen wareegtada madaxweynaha.

Wixii war ah ee kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

 

About The Author