BREAKING NEWS: Puntlandes oo heshay XOG ku saabsan Shirka Madaxda ee berri ka furmaya Baydhabo

21 June (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes (PES) ayaa il oka agdhow xafiiska madaxweynaha ka heshay in xaalku ku xun yahay madaxweynaha DFS Xasan Sheekh kadid markii ummadda Soonaaliyeed iyo Beesha Caalamkuba ay si isku mid ah uga soo horjeestaan wareegtadii uu ku magacaaabay Guddiga Doorashada ee heer Federaal oo ka kooban 22ka xubnood.

226-3

Warbaahinta Puntlandes (PES) ayaa XOGTA ku heshay in Markaa looga wada hadli doonaa guddigaas Shirka madaxda Hogaamiyaasha Qaranka ee Baydhabo berri ka furmaya.

Shirkanaa ayaa waxaa qorshuhu yahay in marka hore ay wada shiraan Beesha Caalamka iyo madaxda Hogaamiyaasha Qaranka, iyadoo waxba kama jiraan laga dhigi doono Guddigii uu wareegtada ku magaacabay madaxweyne Xasan Sheekh sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes (PES) .

Waraka kusoo saabsan Shirka Baydhabo kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author