BREAKING NEWS: Gobolka Banaadir oo Qarka u saaran in 2 Xubnood loogu daro Aqalka Sare (XOG)

23 June 2016 (Puntlandes-Baydhabo ) Shirka Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka ee ka socda maalintii labaad magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maraya meel aad xasaasi u ah ayaa  galabta  qodobadii loo hadlay waxaa ka mid ahaa Arinta Gobolka Banadir iyo sidii uu Aqalka Sare Xubno ugu yeelan lahaa.

Warbaahinta Puntlandes ayaa XOG lagu kalsoon yahay ku heshay inay u dhawdahay in la gaaro Heshiis ku saabsan in Gobolka Banadir uu ku yeesho Aqalka Sare 2 Xubnood kuwaasoo ka imaanaya Beelaha Banaadiriga (Reer Xamar).

226-3

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo qaybiyey 54 Xubnood ee Aqalka Sare siiyeyna 16 Xubnood 3 Gobol iyo Barka, Koonfurta Mudug iyo ilaa Xamar oo ay u badan tahay Beesha Hawiye oo uu kazoo jeedo, ayaa isagoo kaashanaya taageerayaashiisa Odoyaasha Hawiye waxa uu bilaabay Buuq iyo Qaylo dhaan la xiriirta inay qasab tahay in Gobolka Banadir uu Aqalka Sare matalaad ku yeesho maadaama ay degen tahay waa siday u dhigeenee “3 miljan oo dad ah”.

Haddii ay dhacdo in ugu dambayn la qaato in 2 Xubnood loogu daro Beelaha Banaadiriga (Reer Xamar) waxay dhabar jab ku noqonaysaa isku daygii Fashilmay ee Xasan Sheekh uu ku doonayey Sadbursi uusan xaq u lahayn.

wararka Shirka Baydhabo kala soco Warbaahinta Puntlandes.

Puntlandes.com

About The Author