BREAKING NEWS: Hotel Naaso hablood 1 oo Qarax Xoogan lagu weeraray kadibna gudaha ay u galeen Kooxdii soo weerartay

25 June 2016 (Puntlandes)  War DEG DEG ah oo Warbaahinta Puntlandes kasoo gaaray iminka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Hotel Naaso hablood 1 ay Kooxo Hubaysan Qarax Xoogan ku weerareen kadibna gudaha ay u galeen.

226-3

Dablayda Hubaysan ayaa Qaraxa kadibna gudaha ay u galeen, iyagoo sida waraku ku soo gaarayaan PES ay ka dhex dagaalamaan.

Wararka ayaa sheegaya in qaruxu uu gaystray Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah laakiin iminka aanu hayn tiradooda. Hotel Naaso hablood 1 ayaa waxa uu ku yaalaa Isgayska KM4 oo ah meel aad u Mashquul badan, halbawlena u ah magaalada Muqdisho.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author