Sawirro: Ciidanka Uganda ee Ilaaliya UNSOM oo la Guddoonsiiyay Bilad Abaalmarin ah

27 June 2016 (Puntlandes) Ciidamada ka socda dalka Uganda ee ilaalada u ah Hay’adaha QM ee Somalia ku Sugan, ayaa waxaa Abaalmarinno lagu Guddoonsiiyay Muqdisho, taasoo la sheegay inay ku muteysteen hawlkarnimo ay muujiyeen.

Billadsharaf ayaa lagu Abaalmariyey waxaana Guddoonsiiyay ergayga QM ee Dalka Somalia u qaabilsan Michael Keating, wuxuuna halkaa ka sheegay in Ciidamadaan ka socda Uganda ay muujiyeen shaqo-hufan.

Keating ayaa yiri “Ka shaqeynta halkaan [Soomaaliya] – QM ahaan nooma fududaateen shaqadeena haddii aadan idinku suuro-gelin lahayn. Sidaa awgeed waxaan si laab furni ah ah Maanta idinku bogaadinayaa shaqada aad haysaan,”

Ciidamadan Ilaaliya Hay’adaha QM ee Muqdisho ku Sugan ayaa dhameystay shaqadoodii muddo sanad ah ay ugu adeegayeen Hay’adaha kala duwan ee QM ee ka hawl-gala Soomaaliya.

226-7b2

226-7b3

226-7b4

226-7b5

226-7b6

226-7b7

226-7b8

226-7b9

Puntlandes.com

About The Author