Daawo Video-Sawirro: Safiirka Maraykanka ee Somaliya u fadhiyi doonao Xilka loo dhaariyay

28 June 2016 (Puntlandes) Dowladda Maraykanka ayaa Soomaaliya u diraysa Safiirkeedii ugu horreeyay muddo 25 sano ah, Safiirkan oo lagu magacaabo Stephen Schwartz ayaa shalay lagu dhaariyay magaalada Washington kadib markii aqalka Senate-kuu uu bishii May anixisiyay.

Kuxigeenka kaaliyaha XAD Maraykanka Anthony Blinken ayaa xafladii dhaarta Safiirka Maraykanka ee Somalia wuxuu ka sheegay in Somalia ay horumar sameysay balse ay wali jiraan caqabaddo dhinacyada siyaasadda, dadaallada xasilinta iyo waliba caqabadaha dhinaca dib u kabashada dhaqaalaha iyo dagaalka Somalia kula jirto argagixisada

Safiirka Maraykanka ee Somalia, Stephen Schwartz oo isna hadal jeediyay ayaa sheegay in inkasta oo ay Soomaaliya gacan ka heshay Ciidamada Midowga Afrika, laakiin waxaa loo baahan yahay abuurista Ciidan Soomaali ah oo al-Shabaab ka adkaada

Wuxuu yiri Amb Stephen  Waxaa imika la joogaa wakhtigii ay mas’uuliyiinta Soomaaliya ay abuuri lahaayee Ciidamo Qaran oo Soomaali ah oo waxtar leh, jawaabna bixin kara, si ay uga adkaadaan al-Shabaab sidoo kale u mideeyaan”

226-8a3

226-8a2

Puntlandes.com

About The Author